Hargeysa (Hubaal) – Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo u halgama inuu mar uun Somaliland madaxweyne ka noqdo, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin maal-gashiga dekedda Berbera, wada-hadallada Somaliland iyo Somalia iyo waliba qoddobo kamid ah barnaamijkiisa siyaasiga ah ee uu maagan yahay inuu dalka ku hoggaamiyo. Siyaasi Cabdiqaadir oo maalintii shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si hufan uga hadlay heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, taas oo lagu wado inay dhawaan casriyeyn ku bilowdo marsada Berbera. Cabdiqaadir Cali Obsiiye, waxa uu ugu horrayn soo dhaweeyey heshiiskaas, waxana uu si cilmiyeysan u sharraxay sida uu heshiiskaasi ku manfac badnaan lahaa,“Dekedda Berbera iyo heshiiska Imaaraadka lala galay Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Maan Rag Waa Muducyo Afkood, qof waliba si buu u arkayaa, laakiin anigu waxan odhan lahaa Imaaraadku waa dawlad weyn oo dhaqaale leh, heshiiskaasina waxa uu maanta ku qurux badnaan lahaa inagu dad iska masaakiin ah baynu nahaye inay maanta intaas inagu caawiyaan oo ay inaga daayaan wadaagan ay inala galeen, taasaana iyaga iyo innagaba u qurux badnaan lahayd.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye. Siyaasi Cabdiqaadir, ayaa carrabka ku adkeeyey in heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda dekedda Berbera maalgelin doontaa uu bilow u noqon doono maalgashiyo cusub oo dalka usoo kordha, waxana uu yidhi,“Maalgashigu waa waxa lagu gaadho horumarka, waxana aan aaminsanahay in lasoo dhaweeyo sababtoo ah waxan eegayaa mustaqbalka soo socda, waxana jira shirkaddo badan oo caalami ah oo ina aamini ah oo meelahaas inaga soo quud-darraynaya, laakiin waayey cid ay ku daydaan, heshiiskanina waa wixii aynu kusoo jiidi lahayn. Dadkana waxan leeyahay maanta yaan la eegine berry iyo waxyaabaha kale ee inoo soo socda halla eego.” Dhinaca kalena waxa uu siyaasigani ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Somalia u dhexeeya, waxana uu soo jeediyey inaan wax wakhti oo dambe lagu sii luminin wada-hadalladaas,“wada-hadallada Somaliland iyo Somalia mar bay inoogu dhaweyd waxana ay ahayd markii inaguna aynu dawladda ahayn iyaguna dawladda ahaayeen, balse fursaddaasi waa ina dhaaftay, maantase iyadoo aynu arkayno inay Somalia intaas oo maamul-goboleed u kala baxday oo aanay jirin cid macquul ah oo lala xisaabtamaa oo dawladdii dhexe aanay ahayn mid go’aan qaadan karta, wakhtina yaan lagu luminin, dhaqaalena yaan la geline dedaalka la gelinayo meel kale halloo jiheeyo.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye. Mudane Cabdiqaadir waxa uu si kor-ka-xaadis ah uga hadlay qoddobo kooban oo kamid ah tiirarka oo doonayo inuu ku shaqayn doono haddii uu ku guulaysto hankiisa madaxweynenimo ee uu leeyahay, waxana uu yidhi,“Saddexdii xisbi waa la arkayoo yoo nimankii xeryaha u ootay ayaa gudin la hor fadhiya, anigase inaan taayirka wareejiyo oo halkii aan gaadhsiin karo gaadhsiiyo ayaa I saaran haddii ilaahay igu guuleeyona ka hadhi maayo. Haddii ilaahay igu guuleeyo hoggaaminta dalka waxa iga go’aan inaanay xukuumaddayda ku jiri doonin cid qurbejoog ah oo Baasaboor ajaanib ah haysta, sababtoo ah qofka dibadda ka yimi ee carruurtiisii dibadda soo dhigtay ma ogaan karo xaaladda dadka iyo dalka, waxana uu ku xisaabtamayaa haddii belo dhacdo carruurtaadii dibadday joogaan,” Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,“Shayga musuqmaasuqa la yidhaahdo waxanu u aragnaa ka umadda ragaadiyey ee noloshooda hilifaha u laabay, damiirkayguna ima siinaya anigoo u ballan qaaday inaanan wax mushahar ah ka qaadanin umadda ka qaadanin in xoolahooda si leexsan loogu shubto jeebka.”
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Siyaasi reer Saaxil Ah Oo Soo Dhaweeyey Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera