Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Maxamed Axmed Saalax(Foolbe)oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeedda Gobolka Sanaag, ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Musharraxnimada Golaha Wakiillada ee Somaliland ka qoondaysan Sanadka 2016-ka.
Siyaasi Foolbe oo maalintii shalay saxaafadda kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in hankiisu gaadhsiiyey inuu ku dhawaaqo inuu musharrax ka noqdo Doorashada Baarlamaanka ee Soo socota, taas oo uu sheegay inuu Gobolka Sanaag ka tartami doono.
Waxa uu sidoo kale Siyaasi Foolbe ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag inay qaataan kaadhadhka muwaadinimada iyo kuwa Cod-bixiya-yaashaba, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,“Waxan idiinku yeeshay inaan shaaciyo inaan u taagan tahay musharrax Golaha Wakiillada xilliga loo cayimay ee Bisha December 2016-ka, waxa kale oo aan dadka reer Sanaag u sheegayaa inay qaataan Kaadhadhka diiwaangelinta oo haatan shaqaalaheedu la joogaan, haddii kale ma codayn doontaan.”
Siyaasiga oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu shacabkiisa wax u qabto haddii uu ku guulaysto Kursiga Baarlamaanimo ee uu haatan u heellan yahay, waxana uu yidhi, “Waxa iagu kallifay inaan isa soo sharraxo haynkayga siyaasadeed ee aan leeyahay, waxana aan doonayaa inaan wax ka qabto wax badan oo ay ku guuldarraysteen xildhibaanadii iga horreeyey, intooda badanina wali dib ugumay noqonin halkii laga soo doortay,”
Foolbe, ayaa kamid ah Shakhsiyaadka siyaasadda Gobolka Sanaag ka dhex muuqda, waxase aanu wali shaacinin xisbiga uu iska soo dhex sharraxi doonaa midka uu noqon doono, balse waxa xusid mudan in Axsaabta Mucaaridku si weyn u danaynayaan inuu iska soo dhex sharraxo, maadaama oo lagu yaqaano nin taageerayaal badan ku dhex leh Gobolka Sanaag.
Dhawaaqa Siyaasi Foolbe ee la xidhiidha shaacinta musharraxniamdiisa, ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo badanayaan shakhsiyaadka shaacinaya inay u taagan yihiin kamid noqoshada musharraxiinta u taagan doorashooyinka Golaha wakiillada oo lagu wado inay dalka ka qabsoomaan Dabayaaqada sanadka soo socda ee 2016-Ka.