Siyaasi Xamarji Oo Ammaan Dheefteedu U Qarsoontahay Huwiyey Xukuumadda Djibouti Oo Safar Qarsoodi Ah Kaga Yimi

0
52

xamarji

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyihii hore ee gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, haataanna katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji, ayaa ammaan iyo bogaadin aan ujeeddadeeda la fahmin kula dhul kufay xukuumadda aynu jaarka nahay ee Djibouti oo uu dhawaan safar kaga soo laabtay.

Siyaasi Xamarji oo saxaafadda la hadlay isaga oo ka jawaabayey warar sheegayey inuu iscasilayo, ayaa hadalkiisa diiradda ku saaray ammaan ujeeddada uu ka leeyahay aanu saafin oo uu diray xukuumadda muddada dheer ka talinaysay dalka Djibouti, waxana uu  xusay inuu safarkiisaas waxtar u lahaa qaranka,“Safarkii aanu ku tagnay Djibouti aad baan uga mahad celinayaa, kaas oo aan odhan karo wax guud oo qaranka u dan ah baanu kasoo qabanay oo dhinacyo badan taaban kara, Dawladda reer Djibouti waxan kale oo aan uga mahadcelinayaa sida ay siyaasadda Somaliland dhexdhexaadka uga tahay ee aanay dhinacna u raacsanayn, Djibouti waa dhexdhexaad oo WADDANI ma wadato, KULMIYE ma wadato, UCID-na ma wadato, waana dawlad jecel nabadgelyadeena guud,” ayuu yidhi siyaasi Xamarji.

Mudane Xamarje isaga oo sii wada ammaanta xukuumadda Djibouti waxa uu yidhi,“Djibouti waxay jeceshahay inaynu noqono umadd nabadooda iyo jiritaankooda haysata oo hawshooda wadata, si guud amnigeenay ujecel yihiin oo koox ay taacsan tahay ma jirto.”

Laga garan karo sababta siyaasi Xamarji ku kalliftay ammaanta oo aan hore looga baranin ee uu huwiyey xukuumadda Djibouti, waxase wararka qaarkood sheegayaan inuu safarkiisan haatan ee uu Djibouti ku gaadhay salka ku hayey dano qarsoon iyo xidhiidh uu  qoyska dalkaas ka taliya lasoo samaystay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here