Siyaasiga Axmed Cabdi-dheere Oo Loo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee KULMIYE

0
127

War-saxaafadeed Lagu Magacaabay Xubno Cusub oo Guddida Fulinta ah Oo Guddoomiyaha KULMIYe Soo Saaray Shalay

 Axmed Cabdi Dheere iyo Saaxiibadii

Hargeysa (Hub aal)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay  magacaabay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye iyo xubno golaha dhexe ee xisbigaasi aha. Xilka guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga oo  hore guddida fulinta uga xayuubisay guddoomiye ku xigeenkii hore ahna xildhibaan golaha wakiillada ka tirsan Md. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), waxaa uu guddoomiye Muuse Biixi ku sheegay magacaabistooda Warsaxafadeed ka soo baxaya xafiiska Guddoomiyaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta  HUBAAL, kaasi oo u dhignaa sidan :-

“Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Buuxinta Xubnaha Guddida Fulinta ka bannaannaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga. Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso. Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE.

In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Yuusuf Cismaan Faarah – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah.

In Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here