Xaalada Madexweynaha Somaliland ee Kala Fogaanshaha Xisbigiisii Kulmiye,Xadhiga Wargeyska Haatuf iyo Xukunka ku dhacey Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyo tifaftiraha Wargeyskaasi
Hargeysa(Hubaal)-Siyaasiga Maxamed Xasan Cali(Like), Oo kamid ahaa Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye, ee doorka adag kaga soo qeyb qaatey Xiligii Ololaha uu kujirey Xisbiga Kulmiye kana midka ahaa Xisbiyada Mucaaridka Somaliland,indhawaalena kamid ahaa Garabkii Xisbiga Kulmiye ee ka biyo diidsanaa habdhaqanka Garabka Kulmiyaha Awooda Xukuumada Isticmaalayay ee Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliland,ayaa Wareysi hadhwanaagnews Layeeshay Kaga Hadley Arimo Badan oo Xasaasi ah Oo Ay Kamid Yihiin.
Xaalada Madexweynaha Somaliland ee Kala Fogaanshaha Xisbigiisii Kulmiye,Xadhiga Wargeyska Haatuf iyo Xukunka ku dhacey Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyo tifaftiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige,Weerarkii Wasiir-kuxigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor iyo arimo kale oo badan,oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo howlaha dhinaca Biyaha ee uu mudooyinkan dambe ku howlan yahey.
Siyaasiga Axmed Xasan Cali(Like), oo arimahaa ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Sidan.
“Horta Anigu waxaan kamid ahaa Xisbiga Kulmiye, hadaan Kulmiye kamid ahaana Xisbiga Kulmiye iyo Wixii ay dhab ahaan Loo halagamayay waxay kala Lumeen Markii Axmed Siilaanyo Kursiga Fuulay, maalintaas ayaa Xidhiidhkii Kulmiye iyo Xukuumadii kala Go,ay isagaana kala gooyay, waxaanu maaganaa oo u qarsooneyd in uu sidan maanta uu yeelay yeelo,in ragii wada yidhaahdo dibada haka baxaan oo Xisbiga halkaa haka maraan,taasina waxan filayaa in aanay aheyn wax isaga usuurtagleysa waayo Xisbigu Madax ayuu leeyahey, oo Gudoomiyayaal ayaa la doortey, waayo Xukuumadiisii baanu maanta meel uu kaga warahayo jirin,markaa u maleyn maayo in ay tahey waxa uu maagan yahey mid usuurta galeysa”Ayuu yidhi Axmed Xasan Like oo ka hadlayay mar la weydiiyay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye iyo Saameynta uu kuyeeshay Taageerayaashii faraha badnaa ee Xisbigaasi.
“Siilaanyo maanta waa Madexweyne Gudoomiyana wuu u ahaa Xisbiga Kulmiye wax cidi ku khasbeyso, garanmaayo maanta Gudoomiye kama aha, Murashaxnimadan, uu sheeganayo cid dooraneysa Garan mayno,oo dadkaba goor ugu dambeysay la garan maayo markaa cida uu Murashax u noqonayo ee Kursiga saareysa uu arkoonayana ma garaneyno, markaa macnaha ujeedada ugu jirtaa waa sidii Ina Rayaale yuu Xisbiguba kaa dambeynin oo ha burburo ayaa muhiimkiisu yahey tabtii ina Rayaale iyo Udub ayuunbuu rabaa inaanu Xisbiga Kulmiye ka dambeynin, wuu ogyahey shacabkiisa, wuu ogyahey hadii aan maanta xataa cidi isla soo taagin Siilaanyo dhagax-dheerbaanu shan cod ka helaynin maanta waaba Hargeysa iyo Berbera Burco iyo Sanaag iyo Buuhoodliyo Gabiiley,e macnihiisu waa yuu Xisbigu kaa dambeyn”Ayuu yidhi Axmed-Like.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa”Hadii aan ka hadlo xaalada maanta dalku ku sugan yahey waa xaalad aynaan wali hore usoo marin,xaaladii uu Snm 1988kii markuu Gudoomiyaha u ahaa uu gaadhsiiyay ayuu ina gaadhsiiyay talo waliba wey isasoo xidhay kamana warhayo Jabuuti wey xidhan tahey,Itoobiya wey Xidhan tahey,Puntland wey xidhan tahey malaha meel kale ayaa noo furan meel inoo furan mahayno, waa xaaladii 1988kii ay Snm gaadhey markuu Gudoomiyaha u ahaa ee uu ogaadey dalalkii uu badhna martida u ahaa badhna cadowga ahaayeen, badhna ay dhexdhexaadka ahaayeen, oo uu ogaadey in ay markaliya heshiiyeen, wey inagu xidhan tahey aluunbaynu leenahay, rajo la,aan buu soo koobay Siyaasadii Arimaha dibadda ee Somaliland,Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland runtii waxa la lahaa waa nin khibrad leh,waa nin aad loo filaayay in uu wax badelo,dee shaqadiisiiba cid kalaa haysa,waftigii Arimaha dibadda ee dibada u baxayay mar walba Wasiir kalaa wada markaa ma Agaasime Kuxigeenbaa ma Agaasimaa markaa dee ma aha Wasiir ee nin khibrad leh ayuu ahaa”Ayuu Yidhi.
Waxa kale oo uu Axmed Xasan Cali(Like), ka hadley Arinta biyaha Xumbo weyne ee indhawaale hadalku ka taagnaa isagoo, arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi.
“Arintaasi Biyuhu wey dhameyd oo gabagabo ayay aheyd oo wey Qurux badneyd, oo in Biyaha Xumbo weyne laga soo qaado oo halkaa Naasa-hablood la keeno, oo halkaa kaag lagaga garaaco shanta Maylka, kaagna halkaa kililka shanaad kasoo galaa bay aheyd oo wey qurux badneyd waa umadii baa dib loo jiheynayaa oo dagaal biyoodbaa la galinayaa meeshaa u dhalatey, labada dhanba Xukuumadaa wax ka wada, shacabka iyagaa isku adeegsanaya umadaasi heshiis bay ku aheyd in Biyaha Xumbo weyne laga soo qaado, Wasiirka Arimaha dibaduna shaqo kuma leh malaha markii tiisii laga fadhiisiiyay ayaa malaha tan loo direy, oo lagu majara habaabiyay,waa waxaan isaga khuseyn Daakhiligaa uga dhow hay,ado kale oo badanbaa uga dhow markaa waa loo direy uun dee inta tiisii cid kale loo direy”Ayuu yidhi Axmed-Like.
Waxa kale oo ka hadley Arinta xukunka iyo Xadhigii Masuulyiinta Wargeyska Haatuf mar uu ka jawaabayay su,aal la xidhiidha oo wax laga weydiiyay Waxaanu yidhi.
“Waan joogay maalintii Maxkamada yacnihii wax Taariikhda ka dhacdey maynaan arag kamay dhicin 1988kii waxa maanta dhacay ee umadu is diidsiinayso,xaaraan maqdaca buu ahaa wuxu ahaa waxaan xukuumadna ka suuroobin,waxaad is odhaneysaa markaa ma aargoosi bu ahaa wuxu, macno uu leeyahey ma garaneysid ma garaneysid markaad Hargeysa joogto,tan oo kalaa dhaceysa, waxaan u arkeynaa xadhig xaaraan ah oo fool xun oo ujeedadii ka dambaysay aan wali la gaadhin”Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu ka hadley Xadhiga iyo falkii weerarka culus ahaa ee Xukuumadu kula kacdey Wasiir/kuxigeenkii hore ee Aminga Somaliland Cabdilaahi Abokor oo hada ku xidhan Xabsiga islamarkaana, raad adag iyo saameyn culus weerarkaasi ku yeeshay Qoyskiisiiiyo caruurtiisii isagoo arintaa ka hadlaya Axmed-Like waxa uu yidhi.
“Arintaasi waa arin aad iyo aad u adag waa arin kun iyo shan boqol oo xabadood lagu riday maati iyo caruur yaryar oo afarjir oo shan jir oo lix jir oo todoba jir oo sgaal jir ahi joogeen,isagoo afar xabadood soo riddey in kun iyo shan boqol oo xabadood lagu ridey may aheyn wax yar in lix boqol iyo sideetan gaas mas ah lagu dhufto oo haamo ah,waxey aheyd wax ka duwan waxan Wasiirka loo soo qabanayay,waxey aheyd meel buu taabtey,waxaanay aheyd aargoosi inamo ka aargoosanyeen oo ay ku dilaan isaga iyo caruurtiisaba ayay aheyd,waananu garaneynaa ciday ka timidna waanu garaneynaa,wakhtigeedii iyo wakhtigay doontoba ha gaadho in maantadaa xaquuqdeeda laga hadhayo noqon mayso xaley qaarbaanu geynay dhakhtarka, maanta qaarbaa la qaadayay, suntii leyniyaskaa cumaha ayay raacdey,waanay jiifaan oo dhakhtarka ayay yaalaan Dr Idiris waala ogyahey cida amarka bixisey laakiin ujeedada ay ka lahaayeen ayuunbaanaan ogeyn dilkaa loo badheedhay,Wasiirbuu ahaa shaley Waraaq saman ah baa ku filayd oo loogu yeedho,wey ka warheysaa Xukuumadu caruurta afar kun oo dollar oo magdhow ah ayay Xukuumadu usoo dirtey caruurta”Ayuu yidhi Siyaasiga Axmed-Like.
Gabagabadii hadalkiisana waxa uu kusoo gunaanadey in ay balan adag iyo kulan weyn isugu iman doonaan bisha Ramadaan kadib dhamaan intii ay isku mowqifka ahaayeen, ee Xisbiga Kulmiye iyagoo go,aan adag ka qaadan doona mawaadiicdooda Siyaasiga ah, waxaanu dardaaran adag usoo jeediyay Xisbiyada Mucaaridka ah oo uu ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen doorkii Mucaaridada.