Marwo Rooda Axmed-yaasiin
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanayd gobolka Saaxil marwo Rooda Axmed Yaasiin,ayaa ka hadashay muunad-baxa ku dhacay garaadka iyo xusuusta bulshada, waxana ay si adag u dhaliishay ashkhaasta siyaasadda hore ugu fashilmay ee haddana dadka weli soo hortaagan.
Marwo Rooda oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa farta ku fiiqday sida aanay bulshada reer Somaliland ugu dhiirranayn inay iska dhexsaarto siyaasiga saaxadda hore ugu fashilmay ee lasoo tijaabiyey, waxana iyagda oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi, “waxad moodaa inuu isku mulaaqan yahay oo ninkii siyaasiga ahaa ee kharribnaa oo uu waayey cid saaxadda ka saarta, ninkii siyaasiga ahaa ee siyaasadda hore ugu fashilmay waa inay dadku il gaar ah u yeeshaan.”
Rooda Axmed Yaasiin oo hadalkeeda sii wadata, ayaa bulshada ku canaanatay inay sacabka u tumayaan siyaasiyiin hore tijaabadii la geliyey ugu fashilmay, kuwaas oo ilaa xilligan u xiiqsan sidii ay xilal kale u heli lahaayeen,“Siyaasadda qasan ee maanta canaanteeda bulshada ayaan saarayaa, waayo ninkii shalay wax qarribay ayey maanta dib u caashaqayaan, Dadkuna waa inay bartaan siyaasiyiinta maanta oo ay doorasho kala yeeshaan, siyaasiyiintuna rag danaystayaal ah iyo rag daacad ah ayey iskugu jiraan.” Ayey tidhi Rooda Axmed Yaasiin.
Hadalka Rooda Axmed Yaasiin ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhawaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI tuurta ku qaatay shakhsiyaad muddo dheer kasoo tirsanaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo hore ugu fadhilmay xilalkii ay hayeen, balse xilligan marka sacab iyo soo dhaweyn ka helay xisbiga WADDANI.
Rooda Axmed Yaasiin, ayaa kamid ah haweenka tirada yare e sida xorta ah afkaartooda siyaasiga ah u dhiibta, inkasta oo uu guddoomiye Faysal Cali-waraabe xilkii ay xisbigiisa u haysay kaga qaaday eedo aan kala go’ lahayn oo ay xukuumadda u jeedin jirtey.