Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Oo Labaatameeyo Sanno Ka Dib Xalay U Hoyday Somaliland Oo Shalay Lagu Soo Dhaweeyey

0
23

 Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo muddo dheer aaminsanaa Mabda’a Soomaaliweyn, balse dhawaan ka tanaasulay, ayaa maalintii shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana soo dhawentiisa ka qayb qaatay Hoggaanka Labada Xisbi-mucaarid ee UCID iyo WADDANI iyo Dadweyne Kale oo aad u tiro badan.soo dhaweynta ismaaciil hadilmee

Soo dhawenta Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo muddo dheer qabanqaabadeedu socotay, ayaa laga dareemay Gebi ahaanba Magaalada Hargeysa, waxana la dhawrayey sida ay u dhici doonto.

Ismaciil Buubaa, ayaa ayaa Hadal kooban ujeediyey Siyaasiyiintii iyo dadweynihii kale ee Soo dhaweeyey, waxana uu tilmaamay inuu wax badan usoo kordhin doono Somaliland,

“waan u mahad naqayaa dadka isoo dhaweeyey, in bandanna waynu wada hadli doonaa, laakiin maanta waxan doonayaa inaan hadalkayga soo gaabiyo. Imaanshahayga aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waxana aan rajaynayaa inay guul iyo wanaag Somaliland uso hoyato aniguna aan wixii Kartidayda ah Aan Halkan ka geysto.” Ayuu yidhi Mudane Buubaa oo Hadal aad u kooban jeediyey

Siyaasigan Ruug Caddaaga ah oo Muddo ku siman 18-Sano Dalka Ka Maqnaa, ayaa waxa Soo dhaweyntiisa ka muquuratay, waxana aan Xubin katirsan lagu arkin Goobihii Lagu soo dhaweynayey, waxana arrintaas dareemay soo dhaweeyayaashii Shalay isku soo baxay.

Wali Ma Cadda Sababta Keentay inay Xukuumaddu  ka dheeraato soo dhaweynta Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, balse waxa xogaha la hayaa sheegayaan inay iska diiday inay Buunbuuniso Siyaasi xilligii loo baahnaa ka maqnaa dalkiisa.

Dhinaca kale Labada Xisbi-mucaarid ee Ucid iyo Waddani, ayaa iyagu si weyn uga dhex muuqday soo dhaweynta Siyaasigan, waxana ay muujiyeen inuu yahay Shakhsi ay taageeradiisa iyo khibradiisaba u baahan yihiin.

Mudane Buubaa wali ma caddaynin halka uu dhigi doono Taageeradiisa siyaasadeed, mana jiraan raadad muujin kara in xukuumaddu xiiso u qabto soo laabashadiisa, marka laga yimaaddo Heellanaantii ay u muujiyeen Asxaabta Mucaaridka Somaliland.

Siyaasiyiin Mabda’a Soomaaliweyn aaminsanaa ooh ore dalka ugu soo laabtay ayey xukuumaddu kharash badan gelisay soo dhaweyntooda, iyadoo qaar kamid ahna Xilal u dhiibatay, waxana kamid ahaa Siyaasi Sifir oo markii uu dalka kusoo laabtay loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya daka Kenya iyo waliba Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo  kasoo laabtay mabda’ii soomaaliweyn ee uu aaminsaa, ilaa haatanna u muuqda siyaasi hunguraynaya Hoggaaminta Dalkiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here