“Odayaal Taleex Magac ku leh baa la xidhay, diimuquraadiyad iyo deris-wanaag iyo ILLAAHAY oo laga yaabo ayaan wadnaa, waxa muuqata arrintaa arrin aad uga fog inay dhulkaas ka wadaan (Somaliland).” Prof: Cali Khaliif Galaydh
“Markaa, annagu Gaadh-haye uun miyaannu ka ahaanaynaa meesha? Waa Maya! Arrinta dhabta ahi waxa weeyaan; waa la wadahadlayaa, waa la xisaabtamayaa..” Siyaasi Siciid Jaamac Qoorsheel
Muqdisho-(Hubaal)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin sheegay inay metelaan waxay ugu yeedheen Maamullo ay sheegeen in la yidhaahdo Khaatumo State, Maakhir State, Awdal State iyo Selel, ayaa sheegay inay ku bohoobeen Xisbi Siyaasadeed oo ay ku magacaabeen USB, ayaa Shir uga furmay magaalada Muqdisho, waxaanay sheegeen inay shirkaas kaga tashanayaan Xisbiga USB iyo inay ka arrinsanayaan Midnimada Soomaaliya, waxaanay Somaliland ku eedeeyeen tacaddiyo iyo kala sad-bursi ay ku hayso gobollada ay ka soo jeedaan, iyadoo Somaliland-na ka jawaabtay eedayntaas.
Xubnahaas waxa ka mid ahaa Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno sheegay inay Masuuliyiin ka yihiin waxay Maamullo ugu yeedheen, balse aan tis-qaadin ee magac-u-yaal ay sitaan ah. Ugu horreyn Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka hadlay ujeeddada shirkooda waxa uu yidhi; “Shirkani wuxuu daba socdaa shirar badan oo beryahan jiray oo wada-tashi leh, Xubnaha Urur-Siyaasadeedka USB sidii ay uga wada-xaajoon lahaayeen dalka Soomaaliyeed midnimadiisa, gobolladii Waqooyi ee la midoobay gobollada Koonfureed oo beryahan dambe kala qoqob dhacay ku dhawaaqii gooni-isu-taagga Somaliland darteed, ayaa waxay ka wada-tashanayeen sidii arrintaasi mar dambe dib la isugu soo yagleeli lahaa ee loo adkayn lahaa midnimada.”
Siyaasiga Siciid Jaamac Qoorsheel oo Wasiir ka ahaa Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, sheegay in xattaa Taliyayaasha Ciidammada, Madaxda sare iyo Masuuliyiinta Muuqda ee dawladda Somaliland u badan yihiin beel keliyaata, waxaanu yidhi; “Shalay wixii dadka ay la qaylinayeen haddii la is-weydiiyo, xataa Taliyayaasha Ciidammadu maxay yihiin kulli waa in meel ka wada timi, Kuraasta sare oo dhan meel bay ka wada qaataan, Madaxda sare oo dhan hal meel bay ka wada qaataan.”
“Markaa, annagu Gaadh-haye uun miyaannu ka ahaanaynaa meesha? Waa Maya! Arrinta dhabta ahi waxa weeyaan; waa la wadahadlayaa, waa la xisaabtamayaa, kuwaas oo keliya la hadli mayno ee kuwan aan la joognana waan la hadlaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Siyaasiga Siciid Jaamac Qoorsheel.
Madaxweynaha Kooxda la baxday Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay isaguna in tacaddiyada ay Somaliland dadkooda ku hayso kuwii ugu dambeeyey lagula kacay Axaddii Odayaal magac leh oo reer Taleex ah, kuwaasoo uu sheegay in Guryahooda laga soo xidhxidhay.
“Waxa wararku nagu soo gaadhayaan in Odayaashii ugu magaca dheeraa reer Taleex nin walba Gurigiisa ugu tageen oo ay soo xidhxidheen, arrintaasina waxa uun ay mataal ka tahay wax dadka lagu madallufinayo ama dalka gudihiisa ha noqoto ama dibeddiisa ha noqotee, ee nabad, dimuquraadiyad iyo deris-wanaag iyo ILLAAHAY oo laga yaabo ayaan wadnaa, waxa muuqata arrintaa arrin aad uga fog inay dhulkaas ka wadaan.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cali Khaliif Galaydh.
Hase-yeeshee, Somaliland, ayaa ka hadashay eedayntaas, waxaana Shir Jaraa’id ku wada qabtay magaalada Hargeysa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil, kuwaasoo deedifeeyey eedaynta ka soo yeedhay Siyaasiyiintaas Muqdisho ka hadlay.
Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu yidhi; “Kooxda Xamar ka hadashay waxaan odhanayaa wax USB la yidhaahdaa ma jiraan, USB hadday jirayso waxay ka jiraysaa Somaliland. Ninkasta oo Siyaasi ah oo Somaliland u dhashay hadduu xukun rabo wuxu ku gaadhayaa inuu Somaliland yimaaddo oo uu Siyaasaddeeda ka qaybgalo. Laakiin, Xasan Sheekh oo gobolladiisii dhisan kari waayey inuu ku soo diro Somaliland oo maalinba ay hadallo meel ka tuuraan wax alla wax faa’iido ah oo ay u keenaysaa ma jirto.”
“Taleex fidmadu meesha ay ka bilaabantay waynu ognahay, Puntland bay ka soo bilaabantay oo laysay dadkii ugu horreeyey, Somaliland way u gurmatay, xaq baanay ugu leedahay dhulkeeda inay u gurmato, cid kale oo u soo gurmanaysaa ma jirto, intaas oo sannadood bay waxani socdeen, Cali Khaliif iyo Kooxda sheeganaysa Khaatumana way xallili kari waayeen. Markaa, haddii Somaliland u gurmatay oo dhaqan iyo siyaasiyiiniba ay tageen waxa ku jira Wasiirkha Khayraadka biyaha, waxa ku jira ee ka soo jeeda reeraha la leeyahay waa la xidhxidhay oo Caaqilkoodii ah Xildhibaan Yuusuf Cali Koore oo Odayaasha Caaqilkooda ah.”
“Waxa weeye nabadgelyaa la raadinayey, Odayaashuna waxay diideen inay xabbad-joojintii saxeexaan, Xadhigna maaha ee waa wax lagu tashaday in Odayaashaas lagu dhiirrigeliyo inay nabadda ka qayb-qaataan.”
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay, sheegayna inaanay jirin midnimo laga wadahadli karaa, waxaanu yidhi; “Tan ay ka hadleen ee ay yidhaahdeen; ‘waxaan ka hadlaynaa Midnimada Soomaaliya ayaannu ka shaqaynaynaa’ Midnimadu waa tii ay hore u baabb’iyeen, Midnimadu hore ayay u duntay, Qarankan Somaliland-na waatii dib loola soo noqday, ee dib Boorama loogu habeeyey. Waxaanan u sheegayaa in wax midnimo la yidhaahdo oo laga wadahadli karaa jirin, laba Qaran oo jaar ah ayaannu nahay.
source:himilomedia