Siyaasiyiin Iyo Masuuliyiin Ku Dhintay Qarax Culus Oo Buuhoodle Ka Dhacay

0
16

Magacyada Masuuliyiin Xilal Sare Soo Qabtay Oo Ku Dhintay Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Lagula Beegsaday Badhtamaha Buuhoodle

Buuhoodle (Hubaal)- Siyaasiyiin iyo masuuliyiin hore xilal sare u soo qabtay, ayaa ku dhintay qarax u qof naftiisa biimey kula beegsaday badhtamaha magaalada Buuhoodle fiidnimadii caawa. Masuuliyiinta ku dhintay qaraxaas waxa ka mid ah marxuum Cabdifataax Maxamed Cali (Rodman) oo hore la taliye sare ugu soo noqday ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali iyo Wasiirkii hore ee Daakhiliga maamulkii kooxda Khaatumo marxuum Axmed Maxamuud Doolaal, kadib markii qarax is-miidaamin ah lagu bartilmaameedsaday baabuur ay la socdeen oo dhexmarayey gudaha magaalada Buuhoodle salaaddii maqrib ee xalay kadib. Sidoo kale, waxa qaraxaas ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo iyaguna gaadhiga la saarnaa siyaasiyiinta geeriyooday. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa sababay dhimashada iyo dhaawaca, balse sida dadka degaanku warbaahinta u sheegeen in bartilmaameedka weerarku ahaa marxuum Cabdifataax Rodman oo wararku tilmaameen inuu beryahan dambe degaannada Buuhoodle ka waday dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, gaar ahaan xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waa markii ugu horreysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco magaalada Buuhoodle ee bariga Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here