Siyaasiyiin Si Kulul U Cambaareeyey Xadhiga Mujaahid Maxamed Baashe

0
39

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasiyiin iyo aqoon yahan reer Somaliland ah, ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga ay xukuumaddu kula kacday agaasimihii Telefishanka Star Md. Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo habeen hore ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen.

Xubnaha siyaasiyiinta ah oo ay kamid yihiin Md. Maxamed Xaashi Cilmi, Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ayaandarro ku tilmaamay in xabsiga la dhigo qof aragtidiisa si salmi ah u muujiyey, isla markaana aan wax dhibaato ah cidna u geysanin.

siyasiyiinka hadlaya xadhiga

Ugu horrayn Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay xataa waayeen meesha uu ku xidhan yahay iyo cid jawaab qancisa siisaba, waxana uu hoosta ka xarriiqay in dhaqanka noocaas ahi yahay kii ay  bulshadu hore uga soo dagaalantay, waxana uu yidhi, “Maalin iska dhan baa nagaga baxday inaanu ogaano sababta uu Maxamed Baashe u xidhan yahay, waxa nasoo marayna wax aanu filaynay ma aha cid jawaab shaafi ah na siisana ma hayno, waan iska haynayaa, halkaasaana ku xidhay iyo waan caddibayaadu waa wixii aynu kasoo dagaallanaye xaga mara oo xaq-darradii aynu ka dagaallanay ha inagu celinana.”

Cabdikariin Axmed Mooge oo isaguna kamid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay, ayaa xadhiga Maxamed Baashe ku tilmaamay mid bulshada lagu baqdin gelinayo oo looga gol leeyahay in la waayo cid dambe oo hadashaba, waxana uu yidhi, “Ujeeddada xadhiga Maxamed Baashe iyo raggii ka horeeyeyba waa in la aamuso oo la cabudhiyo dadka oo dalka Somaliland ee loosoo dhintay laga dhigo waddan xun oo xuquuqda muwaadinka lagu tunto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“Haddii sharciga maalin walba la laalo oo maalin walba qof la dulmo waxa ay noqonaysa foolxumo weyn, meeshii Maxamed Baashe lagu xidhayna waanu joognay, haddii hadalkii uu halkaas ka yidhi loo xidhayna wax dembi ah oo uu galay ma jirto.”

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu farriin u diray madaxda xukuumadda talada haysa, waxana uu xusay in loo fadhiyo caddaynta sababta uu Maxamed Baashe ku xidhan yahay, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Ragga Somaliland taladeeda hayow dalka ha fool xumaynina, haddii uu Maxamed Baashe hadal ku xidhan yahayna  annagii hadalnay waanaga halkan wada fadhinee sharcigu hanna wada qabto, haddii wixii halkaas laga yidhi wax aan ahayn uu ku xidhan yahayna maxkamadda halla geeyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here