Siyaasiyiin Xilal kasoo Qabtay Xukuumada Siilaanyo iyo Taageereyaal ay hor-kacayaan Oo Maanta Ku Biiray Xisbiga Waddani

0
29

Hargeysa (Hubaal)Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa Maanta Munaasibad Balaadhan oo soo dhaweyn ah u qabtay Siyaasiyiin Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukumada Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo Maanta u soo digarogtay Xisbiga Waddani, iyaga oo sheegay in ay ka soo baxeen Xisbigii hore ee ay ka Tirsanaan jireen.

Siyaasiyiintan oo kala ah Wasiirkii hore Caafimadka Xussen Xoog, Wasiirkii Hore Arrimaha Gudaha Maxamed nuur Caraale Duur, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta, Cali Cilmi Geelle, Wasirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Aadan Axmed Warsame , Siyaasi Boobe Yusuf Ducaale, Agaasimhii hore dib u dajinta Axmed Cilmi yare, Xog-hayihii hore ee Dawlada Hoose, SiyaasiCisman Karash, Wasiirkudawlihii hore ee Xanaanada Xoolaha, Badhasaabkii hore ee Gobolka Tog-dheer Axmed Cabdilahi Xamarji, iyo Waliba Siyaasiyiin kale oo Farra baddan kuwaaasi oo dhammaantood sheegay in si rasmi ah ugu soo biiren Xisbiga Waddani isla markaan xiil iyo hooba la garab taggan yihiin Xisbiga Waddani.

wadanigawa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here