Birmingham(Hubaal)– Waxa caasimadda Labaad ee dalka Ingiriiska kulan balaadhan oo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Waddani, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Xoghayaha Siyaasadda Maxamuud Raage, Xildhibaan Ibraahin Jaamac “Rayte” mudane Cali Xasan Cismaan guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga komishanka Qaranka iyo masuuliyiin kale oo faro badan.
Masuuliyiintani waxa ay si adag uga digeen cawaaqib xumada ay dalka u leedahay muddo kordhinta aan sharciga waafaqsaneyn ee guurtidu ku kacday, taas oo ay ku sifeeyeen god lagu riday dimuqraadiyadii iyo dawladnimadii Somaliland.
Hadalka kulankan oo maqal iyo muuqaal ahi waa kan ee daawasho haboon: