Hargeysa-(Hubaal)- Sida ay sheegayaan ilo-wareedo xogogaal ahi wada-hadalo hoose oo u socday xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo siyaasiyiinta madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa u muuqda kuwa guulaysanaya, isla markaana ay labada dhinac isku af-garteen inay u midoobaan sidii ay wada-jir ugu wajihi lahaayeen iyagoo is-kaashanaya mushkiladaha dalka ka taagan ee ay u horseeday xukuumadda Siilaanyo.
Xogaha laga helayo wada-hadalkaas hoose ayaa sheegay inay dhawaan xisbiga UCID ka hilaaci-doonaan hogaanka madasha wada-tashiga iyo taageerayaashoodaba, taas oo miisaanka siyaasadeed ee Somaliland wax-wayn badali-doonta hadii ay dhacdo, isla markaana qayb ka noqon-doonta in la helo xisbiyo mucaarid ah oo ka adag kuwa hadda jira, isla markaana cadaaladda darada iyo musuqmaasuqa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ummadda si hufan ugu soo bandhigi karra.
Sidoo kale Xisbiga UCID ayaa filayaa inay siyaasiyiin badan oo kale ku soo biiri-doonaan bilaha iyo todobaadada inaga soo fool-leh, kuwaas oo sida ay tibaaxaha laga helayo xuseen inay ku jiraan shaqsiyaad xilal ka soo qabtay xukuumadda Kulmiye iyo tii Daahir Rayaale-ba.
Xigasho Haatuf