Siyasiga Labadiisa Gacmood Midina shar bay Xanbarsantahay,midina khayr,si umadu uga badbado sharkaaga Fadlan iga qaado wanadan

0
57

Siyasiga Labadiisa Gacmood Midina shar bay Xanbarsantahay,midina khayr,si umadu uga badbado sharkaaga Fadlan iga qaado wanadan
Siyaasiga reer Somaliland,Naftiisa xilbaa ka saran waxa la gudboon in uu aragti balaadhan ku eego,siddi Naftiisa uu uga badbaadinlahaa dhamaan mahlakadaha siyaasadiisa ku xeeran iyo khataraha hor yaala.aragtidaa balaadhan haduu ku eegi laha waxaa u soo bixilahayd Qawlkii Rasuulka Scw:Xisaabiya Nafihiina inta aan laaydin xisaabin,oo miisaama intaan laydin miisamin
Siyaasigu: Arinkasta waxuu cuskin lahaa Ilahay dartii,in uu ula jeedo. qalbigana qalbigana waxuu ka maydhi lahaa ujedooyin kale sida Madaxweynuhu hakugu amaano,istus,iyo Nifaaq.ama shacabku hakugu amaano.Siyaasiyow waxaa kuu Muhiim ah in a
in aad jeceshahay oo ilahay ka dalbato raali gelintiisa iyo agtisa
uGu dhawatid Qawlan,iyo Ficlan ba.Amar kasta oo amuuraha ka mida hadal,haday tahay,Xeer haday tahay,xukun haday tahay fulin hadaay tahayba.Waxaynu ogsonahay hadii ilahay waafaqo Amuurtaa aad ku fekertay in aay hirgelayso,haddii kalena aay dhicisoo bayso.

 

maqaal

Siyasiyow:waxaad ogaata labadaada gacmood midna shar bay xanbaar santahay midina khayr.Waxaan kaa codsanaya gacanta khayrku ku jiro in aad iigu adeegto,oo Tan sharku kuugu jiro aanad iigu Adeegin.si aany Bulshadu u hesho khayrka oo uga nabad gasho sharkaaga iga qaado Fadlan Wanooyinkan.
Siyasiga: waa u muhiim lama huraan in uu gacmaha ilaahay u soo bandhigo oo uu waydiisto Rabigii mawduucaa iyo amuurta
Amuuraha uu rabo inta aanu ku dhaqaaqin waa hubaal in jawaabta aad ka helidoontid rabigaa.haddii aad u aragtid jawa
jawaabta wanaag iyo nasteexo arinkaa ku dhaqaaji ,ogow in ilaahay raali ka yahay oo aay maqbuula tahay.cidhib danbeedka Arinkaasina waa khayr ifka iyo aakhiradab Aragtid arinka haday
noqoto in aanu ilahay raali ka ahayn macnawiyan waa amuur aan ilahay ka aqbalin ee ka dheerow oo ka fogow xusuunow.
Waxaad xusuusnataa oo furihii u ah ISTIKHAARADII iyo labdii
rakcadood iyo ducaddi ka soo aroortay Rasu’ulka SCW.
Xikmadu waxaa weeye mid rabaaniya ilaahiya ah.Arinkan aan ka soo hadlay waa Qaacidadii,waa furihii iyo Aasaaskii hawsha balaadhan ee noloshada ku gadamaan,ee aad kaga bixi lahayd waxaana xaqqiqo ah in Axwaashadu dhismi doonto Dahir iyo Badinba oo aan wax khal-khal ah,iyo ciladiba soo gelin jiho kastoo aay tahayba. Macnahuna waa qawlkii Rasuka ee:Xaasibo Anfusakum qabla an taxaasabuu,wazinuuhaa qabla an tuuzan calaykum.
Siyaasiga Somaliland ilaa madaxweynaha, Xukumadiisa dhaman
Hugamiyasha Xisbiyada qarnka,Guurtid,Wakiilada dhamaan waa in Miisaamaan Qalbiyadooda,waa Muhiim in aay ka dhex arkaan Raxmad ku jirta oo uGu jirta Caam ahaan Muslimiinta mid weyn iyo mid yarba waxaay keenay in uu siiyo xaqa uu ku leeyahay iyo xaqa Islaamku ku leeyahay ba.Waxaa Rasuulkii yidhi :Ilahay waxuu leeyahay Sadex Xurmooyin Ruuxii ii xafida Xurmoyinkaa
Xurimaadkaa,ilaahay waxuu u Xafidaa oo u ilaaliya Amarka diintiisa iyo Aduunyadiisa.qofkii ilaalin waaya ilahay waxba uma ilaaliyo 1)Xurmada Islaamka 2)Xurmadayda 3)Xurmada Raximkayga.Macnaha Qof Muslin ah ha xaqirin waayo
ha Xaqirin,Muslinka yare xaga ilaahay wuu ku waayn yahay Siyasiyow sidaa ogsonow.Siyaasiga Somali lander ka ee manta talinaya inyar mooye, Raxmadii ilsmaaka ka dhex arki maaysid. Ilaahay haydinka qabto,Iblayskii Nabe Aadan iyo Xawa Janada ka soo saaray ee qulubtiina degay Rabi haydinka qabto awodisa haydinkaga qabto isaga awod badane.
Siyaasiga: Waxaan u sheegaya oo u Muiim ah in uu Bulshada u ahaado Hayin,isla markaana u debecsan,oo Raxiim ah waa in uu uGu adeega cadaalad hufnaan,iyo Akhlaaq wacan.Siyaasigu waxuu jecel yahay in Bulshadu ku qaabisho Hadal macaan,iyo odhaah wanaagsan iyo Ficil hagar la’aan ah.Adiga halgaa arko oo Bulshadu hakaa aragto,oo dhexdiina halaga arko Akhlaaq wacan
Siyaasiyiin tiina waxaan idiin sheegaya in aaydin ku can baxdeen hadal Xun ,Odhaah fool xun,iyo ficil Karaahiyo ah.dhexdiina Mucarad iyo Muxaafadba waxaan idin xussusinaya Sifaha iyo Akhlaaqda aad nagula macaamishaan,ee dhexdiina ku macaamishaan,Ilahayna waxuu adoomihiisa kula macaamila Sifaha iyo akhlaaqda aay kula macaamilan khalqigiisa.
waxaan Idinkula dardaarmaya:Nabiga SCW waxaa loo soo saaray in uu dhamaystiro Makaariimta Akhlaaqda Islaamka.waana laynoo dhamaystiray,dhamaan Shicib iyo xukuumadba iyo Siyaasiyiinba aaynu ilaashano.oo ka waan towno Hadalka Xun,iyo Odhaaahda foosha xun,iyo ficilka karaahiyada ah ee aad maalin walba Suqa dhex yaala.A’ayadan Akhriya:Laa yuqayiru laahu maa biqowmin xataa yuqayiruu ma bi anfusihim.Sadaqa laahu cadiim.
Muse Mohamed hagi duale(Gadhane)
Birminham Uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here