sJewiga Madal Lagu Maamuusay Ergada Khaatumo Uga Qayb-gashay Heshiiska Oo Waiir Cali-marreexaan Soo Agaasimay

0
111

Wasiir Cali-marreexaan Waxaa Uu Meel Isugu Keenay  Xubnaha Khaatumo U Saxeexay Heshiiska Iyo Guddidii Xukuumaddu U Xil-saartay Wada-hadallada

k5(62)

Hargaysa(Hubaal) – Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud gadiidka iyo guryaynta Somaliland   Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa shalay  magaalada Hargeysa  waxa uu afur ugu sameeyay mas’uuliyiinta Khaatumo ee wada hadalka kula jira Somaliland. Afurkan uu magaalada Hargeysa  ugu sameeyay waxa ka soo qayb galay wasiirka hawlaha guud, wasiirka arrimaha dibeda D.r Sacad Cali Shire Ahna Guddoomiyaha Guddida Wada hadalka iyo hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali khaliif Galaydh. Kulankan oo ay masuuliyiinta khaatumo goob joog ka ahaayeen ayaa dhamaan meel laysla wada dhigay sidii loo Xoojin lahaa nabada iyo in meel looga soo wada jeesto Qadiyada iyo madax banaanida Somaliland. Wasiir sacad cali shire ayaa uga mahad naqay wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan afurkan uu gudida u sameeyay waxaana uu sheegay in afurkani ka turjumayo sida loowada taageersan yahay go’aamada ka soo baxay wada hadalkii khaatumo oo ku sheegay inuu yahay mid guul ah. “Waxaan aad ugu mahad naqaynaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud sida ay ku dheehan tahay sharafta iyo milgahu ee uu in oogu sameeyay afurka,waxaanu leenahay waad mahadsantahay. Geesta kale afurkan uu wasiirka hawlaha guud u masuuliyiinta maamulka khaatumo ayaa ah mid uu ku maamuusay qaabka labada dhinacba ay u soo dhaweyeen qodobada ka soo baxay shirkii shalay lagu qabtay magaalada Hargaysa. Faysal cali waraabe ayaa isna dhankiisa afurkan uu wasiir cali mareexaan ku maamuusay ku sheegay”waxaan leeyahay arintan afurka ah ee maanta cali inoo sameeyay waa mid maamuus ah oo shirkeenii wakhtiga badan soo socda lagu tageerayo,nabada ka soo ifbaxdayna gobolada bariga Somaliland. Wasiirka wasaarada waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane, guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax,Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye iyo  Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow Ayaa dhamaan soo dhaweeyay wada hadalka qodobada laga soo saaray iyo Afurka wasiirka hawlaha guud u sameeyay. Gabad-gabadii wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa sheegay in afurkani uga golahaa inuu ku maamuuso masuuliyiinta khaatumo oo wada hadalkoodu marayo meel gaba-gabo ah,waxaana uu ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in nabada Somaliland meel looga soo wadda jeesto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here