Wargeyska HUBAAL Oo Weriyahan Waraysi Kala Yeeshay Halka Laga Raacay Iyo Ficilka Lagu Qoonsaday
Hargeysa:(Hubaal)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ahaa Wariyayaasha Telefishanka Qaranka uga soo waramai jirey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa gebi ahaanba laga joojiyey shaqadii uu hayey, kadib markii uu qayb ka noqday sida uu Hubaal u xaqiijiyey Muuqaallo gaagaaban oo ka hadlaya wacyiga taagan.
Wariyahan Shaqada laga Caydhiyey oo Aanu Habeenkii xalay Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyey in shaqo joojinta lagu wargeliyey, waxana uu sababta ku sheegay filimo kooban oo isaga iyo saaxiibo ay isku afkaar yihiin fikirkooda ku cabireen, kuwaas oo ay Bulshada kula wadaageen Dareenka ay ka qabaan Arrimo haatan taagan.
Mudane Coldoon oo Gobolka Togdheer si weyn looga yaqaanno, ayaa sheegay in si kedis ah xilli uu Tebinta Ciyaaraha Gobollada oo haatan Magaalada Burco ka socda ku Hawllanaa loo sheegay shaqo joojinta, “Maalintii Arbacadii ina dhaaftay, ayaa la ii sheegay in shaqadii Telefishanka qaranka aan ka hayey la iga joojiyey anigoo xilligaas is lahaa ka qayb qaado Ciyaaraha Gobollada ee Burco ka socda, waxana aan si toos ah ula xidhiidhay Maareeyaha Telefishanka qaranka oo ii sheegay shaqo-joointa, waxana uu sababta iigu sheegay muuqaalo aan fikirkayga ku cabirayey oo aan ka qayb qaatay muddooyinkii dambe.” Ayuu yidhi Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Wariye Cabdimaaalik oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo muuqaallada uu ka qaybqaatay ee la saluugay ku saabsan, kuwaas oo loo soo bandhigay kahor inta aan shaqada laga joojin, waxana uu yidhi, “Ma jirto wax digniin ah oo la iisoo qaddimay ka hor shaqo ka joojintayda, waxanse ku warhelay shaqada la iga joojiyey. Mana aaminsani inaan wax gef ah ka galay qarankayga ama bulshadayda midna, waxanse qabaa inaanay gutay doorkaygii wacyigelineed ee igaga beegnaa Bulshadaydaa,”
Cabdimaalik waxa uu sheegay inuu sii wadi doono ka qayb qaadashada muuqaallada uu fikirkiisa iyo dareenkiisa ku cabiri doono oo aanu ka hadhi doonin, “Ka qaybqaadashada filimadan xorriyada iyo cabirka dareenkayga oo ah wax distoorku ii ogol yahay waa wax aanan ka hadhi doonin, mana aaminsani inay jirto cid iga hor istaagi kartaa, waxana aan qabaa Somaliland inay ka dhalatay diidmada dulmi dirir ka dhan ah xorriyada, wax wanaagsanna ma aha in qofka Fikirkiisa la cabudhiyaa.” Ayuu yidhi Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Waxyaabaha Wariye Cabdimaalik uu Filimaanta Gaagaaban kusoo bandhigay, ayaa waxa kamid ahaa Cabiraado uu ku sameeyey,
1-Feedhkii Dhex Maray Guddoomiye cirro iyo Ku-xigeenkiisa 2- hankaagu hadhaafo haamaha 3-xanta aan la xusin xabshi xabaashay xurmadeenii 4- xadhiga xidigaha geeska 5-siyaasadda mucaaradka.
Wariye Cabdimaalik kaliya ma aha wariye, balse waa Samo-fale wakhti badan geliyey u gargaaridda dadka jilicsan, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Togdheer, waxana xidhiidh la leh Kumanaan Samaha jecel oo kusoo hagaajiya Lacago iyo dhaqaale ay kaga qayb qaataan u gargaaridda kuwa liita.