SO’ADA CEELKA GUULEED (JIIFTO)
Tixdan waxa hal-abuuray Ismaaciil Cabdi Nuur oo kamid ah tix-maallada da’da yare e dalkeenna, waxaanu kaga hadlayaa shaqaaqadii ka dhacday baliga Diiriye Guuleed ee ay; taas oo uu kaga tilmaan bixinayo sidii ay wax u dhaceen iyo habkii qaabka darraa ee dawladdu u maamushay. Abwaan Ismaaciil wuxuu maansadiisan qaybteeda dambe u dhigay qaab is-warraysi ah oo dhexmaraya Madaxweyne Siillaanyo iyo Saleebaan-Nuur. Runtii waa maanso qaab suugaaneedka uu u dhigay ay tahay mid aad u heersaraysa aadna farashaxannimadeedu u sarayso.
Maansadani “s” weeyaan
Nin abwaani sugayoo
Safka Habar-xabuushadu
So’ada ceelka guuleed
Iyo Diiriye sintiisii
Si yar inay ku qaataan
Markay sahansadeennee
Siilaanyana ku garab galay
Cabdallihii la sahansaday
Sidii ay ka yeelleen
Ab siyaasiyoo idil
Ninba si uga faalloo
Anna sawdka maansada
Ku sawiray wixii dhacay
Siillaanyo weligay
Xilligii Siyaad iyo
Soomaaliyoo idil
Inuuyahay sarkaal iyo
Nin siyaasiyiintaba
Ugu wada sarreeyoo
Sancan baan u haystee
Saakana si weyn iyo
Oday sayncaddaayiyo
Sayid aan boqradayoo
Dadku uu usimanyoo
Dalka samo ku wadiyoo
Saxan baan u haystee
Siduuyeelayuu falay
Saddex igu wallaahiya
Sabi kuma arrimiyeen
Odaygii ka sarantaye
Ma xanuun silloon iyo
Wax ku soo siyaaddaa
Mise weligii saaxiib
Sidannuu ahaan jiray
Illaa sabankii Qaaxiyo
Saakiyo intii hore
Arabkii ku sidi jiray
Sacabkiyo ciyaartiyo
Codka saayid dhaafka ah
Kuula soo safnaan jiray
So’adii ceela Guuleed
Sidii aad ka yeeshaa
Araboo dhan saaqdoo
Cod damboo ay ku siiyaan
Sacab timole weeyee
Ha ku seexan waa kow
Wixii aad samayseen
Uciddii saluugtiyo
Cirrihii saydhay gacantaan
Sadka iyo codkaygii
Aan siinayaayoo
Samahood ka dhigayaa
Markii uu siduu rabay
U suuroobiwayduu
Odaygii salsalayoo
Saleebaan u yeedhoo
Siillaanyo wuxuu yidhi
“Abidkay Saleebaan
Safka Habar-Xabuushada
Wixii aan dhul siin jiray
Ama aan sir iyo caad
Ugu sahaminaayee
Aan sare u guurriyo
Ku sinqada ku odhon jiray
Igumay sarmaynine
Waa maxay sanaadhkiyo
Sawaxanka iyo buuqani
Cabdallaha sidiisaba
Reer yaroo sidiisaba
Sinta buurta yaalloo
Waxba aan samayn Karin
Oo sahlan baan u haystee
Sawtan la igu saratagay
Cabdallaha Saleebaan
Saraciisu kululaa”
Wuxuu yidhi Saleebaan
“Culimadii Saraar iyo
Ilamaa sanaag iyo
Sinta Awdal joogtiyo
Soomaalilaand ba
Kuli wada sanaadhoo
Sebigiyo carruurtaa
Hurdadii ka seleloo
Anagaaba sigannoo
Subax yaaci gaadhnaye
Side baad wax leedahay?”
Wuxuu yidhi Saleebaan
“Raggaad sahashanaysaa
Sidaad moodday maahee
Waa niman sarreeyoo
Soobiyaha dushiisiyo
Guban iyo saraar iyo
Buuraha sintoodiyo
Illaa Hawdka simannoo
Burco sare u dhaafaye
Ha ku siganin waa kow
Wuxuu yidhi Saleebaan
Waa rag samaha jecelloo
Waa rag aan sokeeyaha
Ula iman safaaddoo
Sumuciyo dagaalkana
Lagagama sareeyee
Ha ku siganin waa kow
Siillaanyo wuxuu yidhi
“Allaylehe saleebaan
Sidaad sheegtay weeyee
Cabdalluhu sun weeyaan
So’adii ceelka Guuleed
Intay nagu sukuumeen
Sigay ciidankii qaran
Taa waxa ka sii daran
Sawtan Arab dhammaantii
Kuwii Saylla joogiyo
Kuwii ugu sarreeyiyo
Wadartood sanaadhee
Samanihii cadhoodee
Salaadiintii hadashee
Sooyaashay taladuyee
Arrintii sirgacantee
Saaxiibkay Nuuraw
Adaa soo jireenahe
Talo sugan isiiyoo
Sidee baynu yeelnaa?”
Axmedaw sidaadaba
Oday sayn caddaayiyo
Adigoo siyaasiya
Ayuun baad mar saleshaa
Ama markinka seegtaa
Ama seef la booddaa
Sida maanta oo kale
Markaad ceeb samaysaan
Anna kugu saluuggaa
Midda kalena saaxiib
Dadku maaha sarab iyo
Wax-yarood samaysoo
Sidii aynu doonaba
Ka samaysan maynee
Wixii suurto geli kara
Socodsii maddiidani
Wixii se ay salluugaan
Sanka lagama geliyee
Intaan ceebtu suuqiyo
Surimada u soo bixin
Wuxuu waa siyaasade
SILENT-BAA LA GELIYAA
Sasabaa la keenaa
Siyar loo bakhtiiyaa
Saakana inaadeer
Adaa saamo jiiddoo
Wax xillaad samaysaye
Sidaad kaga baxaysana
Talo aan ku siiyee
Sunto hadalladaydaa
Saddex xaalo uun yeel
Odayaasha sooryee
Xaal-Qaranna siiyoo
Saaka gogol nabdeed fidi
Wixii xidhanna siiddaa
U saxeex dhulkoodii
Haddii aanad sidaa falin
Waa in sulub rasaaseed
Afka la isku saaree
Haddaad belo siraaddana
Nina seexan maayee
Halka aad ku sugantaa
Soodh laguula soo geli
Adoo godob sokeeyena
Guudkaaga sudhantahay
Xilkaad saaka haysay
Kaa sahayan doontaa
Nimankana sidoodaba
Lagama salgaadhee
Sidaa waxay kugaadhana
Garanmaayo saaxiib”