Socdaal Macneyaal Badan Xambaarsan Oo Markii U Horeysay Uu Hoggaamiye Somaliland Ahi Ku Booqanayo Sucuudiga Iyo Wefti Madaxweyne Siilaanyo Horkacayo Oo La Filayo Inuu Maanta Ka Ambobaxo Dalka

0
28

Ma Dhab Baa In Weftiga Madaxweynaha Ay Kasii Horreeyeen Ceelalyo Gogol Xaadh U Ah Socdaalkiisa?   

“Nuxurka Faah-faahinta Socdaalka Madaxweynaha Ee Xilligan Iyo Farriinta Ay Daaran Tahay Marti-qaadka Boqortooyadu Ka Leedahay Fadka Dublamaasiyadeed Ee Ka Dul Hoortay Jamhuuriyadda Somaliland”

????????????????????????????????????

Hargaysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in uu Maanta U ambo-baxo Safar Shaqo uu ugu Kicitimi doono dalka Boqortooyada Sucuudiga taas oo ka dhigaysa Booqashadii 1aad ee Madaxweyne ka socda Somaliland ku tago Wadankaasi. In kasta oo si rasmi ah aanay Madaxtooyadu u Shaacin Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ku tagayaan Boqortooyada Sucuudiga ayaa sida aanu kasoo xignay Shabakada Qurbejoog.com oo Warkan daabacday ayaa la sheegay in uu daaran yahay Socdaalkani marti qaad ay Sucuudigu u fidiyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa Qasriga Madaxtooyada si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ku aadan diyaar garowga Weftiga Madaxweynaha.

Muxuu Daaran Yahay Socdaalkani?

Safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ujeedadiisa dadka siyaasadda odorasaa ay siyaabo kala duwan u fasireen, kuwaas oo qaarkood ay ku sifeeyeen inuu daaran yahay mid salka ku yahay qorshayaasha Sucuudigu ku doonayo istaraatiijiyad ballaadhan inuu u helo gulufka uu kula jiro jabhadda Xuutiyiinta ee uu kula dagaalamayo wadanka Yemen ee ay Somaliland deriska ka yihiin dhinaca badda, halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin in safarkani gun dhig u noqonayo bilowga xidhiidh sokeeye oo dhex mara markii u horeysay labada dal. Warar kale oo suuqa siyaasadda ku jira ayaa iyaguna tibaaxaya ujeeddo ka duwan kuwaas aynu soo sheegnay, waxaanay in taa ku darayaan in safarka weftiga ay ugu muhiimsan tahay in madaxweynuhu waajibaadka Cimrada soo guto in ta ka hadhsan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana arrintaas sii xoojinaya xubno wasiirro ah oo gogol u ah safarka Madaxweynaha oo iyagu ka sii horeeyey weftiga, kuwaas oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu dorraad ka ambobaxay dalka isaga oo kusii jeeda dhinaca wadanka Sucuudiga, isaga oo ku sii hakaday magaaladda Addis ababa, ee dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, warku waxa uu intaa ku darayaa isla markaana uu saadaaliyey in Sucuudigu ka dalban doonaan Madaxweyne Siilaanyo inuu Xulufadiisa siiyo Madaarka Magaalada Berbera oo ah goob istiraatiji ah una sahlanaysa Xulufadooda inay ka lib keenaan la dagaalanka kooxda Xuutiyiinta. Dhanka kale Waxaa Jira warar mudooyinkii u danbeeyay ay faafinayeen Warbaahinta Somaliland oo la xidhiidha in Somaliland Ciidan kaga qayb qaadanayso dirirta lagula Jiro Kooxda Xuutiyiinta maadaama ay Somaliland la mawqif tahay Xulufada Sucuudigu hor kacayo, inkastoo warkaas ay dawladdu hore u beenisay haddana socdaalkan ayaa sii xoojinaya tuhunnada laga qabo damaca sucuudiga ee dhinaca Somaliland.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa iyagu hore uga hadlay arrintan iyagoo muujiyey Sida ay Walaac uga qabaan Ciidan Somaliland ka Socda oo loo diro Yemen si ay garab u siiyaan Xulufada Sucuudiga ee Gulufka dagaal ku haya Maleeshiyaadka Xuutiyiinta, Waxayna Tallaabadaas ku sifeeyeen arrin sharci-darro ah.

Dhinaca Kale Xidhiidho Ay Xalay HUBAAL La samaysay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  oo ku saabsan in uu faahfaahin ka bixiyo safarka Madaxweynaha ee Saaka iyo xubnaha ku wehelinaya weftigisia isla markaana uu tibaax ka bixiyo ujeedada dhabta ah ee uu daaran yahay safarku, ama inuu yahay socdaal shakhsi ama mid shaqo oo danta qaranka la xidhiidha, ayaa  afhayeenku waxa uu si aan weyso qabin ugaga jawaabay doonistayada, kadib markii uu telefoonkiisa gacanta ee aanu garaacnay kaga soo jawaabay farriin (SMS) ah oo afka qalaad ku qoran nuxurkeeduna yahay in aanu nala hadli karin taas oo u dhignayd “Sorry, I Cann’t Talk to you  right now

 Si kastaba ha ahaatee Socdaalkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu ku tago Boqortooyada Sucuudiga tan iyo Mudadii ka danbaysay markii Somaliland ay ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada madaxbanaanideeda.

Xigasho: Qurbejoog.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here