SOLJA Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Xayiraadda Ka Qaaddo Wargeysyada HAATUF Iyo HUBAAL

0
23

Warsaxaafadeed SOLJA ku sheegay in suxufiyiintu xorriyad buuxda ku haystaan gudaha Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo sannad kasta 3 May laga xuso caalamka, isagoo tilmaamay in saxaafaddu xorriyad buuxda ku haysato Somaliland, balse ay jiraan wargeysyo xayiran.

xuuto soljaWarsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa xukuumadda loogu baaqay inay xayiraada ka qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo muddo dheer albaabadu u xidhan yihiin.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu maalinta Saxaafadda dunida kala qaybqaadanayaa xuska 3 May oo sannadkasta la xuso maalinta saxaafadda adduunka, taasoo maanta (shalay) laga xusayo daafaha dunida, gaar ahaan SOLJA waxay farxadda maanta la qaybsanaysaa Qaaradda Afrika oo xuskan si weyn looga qaban qaabiyey, maadaama dib-u-dhac badan ka muuqdo, isla markaana Xukuumaddaha ka taliya qaarkood si xun ula dhaqmaan suxufiyiinta.

Xuska maalinta saxaafadda dunida ee 3 May, waxa Ururka SOLJA soo dhaweynayaa cid kasta oo taageerta xorriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda oo tiir muhiim u ah bulshooyinka Caalamka iyo dawladdaha ka jira, kuwaasoo ay saxaafaddu tabiso xogaha iyo wararka ay is-dhaafsadaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu caddaynayaa in dalka Somaliland yahay waddan madaxbannaan oo xorriyatal-qawlka iyo madabannaanida saxaafaddu tahay dunida meelaha ugu horeeya, inkasta oo ay jiraan caqabado kooban oo la odhan karo horumar baa laga samayn karaa haddii xeerarka iyo shuruucda dalka ka jira dhinac kastaa u hoggaansamo.

Madaxbannaanida saxaafadda Somaliland waxay la kowsatay yagleeliddii qarankan nabadda ah ee dunidu ku majiirato ammaankiisa, taasoo saxaafadda Somaliland u sahashay inay hawl-maalmeedkooda u gutaan si xor ah, munaasabaddanna maanta ku soo beegantay iyadoo aannu jirin suxufi reer Somaliland ah oo xidhan ama maxkamad ku socoto. Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu ka werwersan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin xarumaha warbaahineed ee xidhan sida wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, waxayna ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland inay dib albaabada ugu furto hay’adahaas warbaahineed, kuwaasoo xidhan sannadkii labaad.

Guddoonka Suxufiyiinta Somailand waxay ku bogaadinaysaa saxaafadda iyo suxufiyiinta inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar badhaadhe iyo nabad-qab,” ayuu Guddoomiye Xuuto) ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here