Somalia Oo Ka Hadashay Saamaynta Dagaalka Yemen Ku Yeeshay Duulimaadyada iyo Warar Ku Saabsan In Hawada Somalia Laga Duqeeyay Yemen

0
32

Muqdisho(Hubaal) -Wasiirka Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac(Jangali), ayaa sheegay in dagaalka ka socda dalka Yemen dhibaato xoog leh ku keenay hanaanka duulista hawada Somalia, islamarkaana haatan ay joogsadeen Diyaaraddihii Khadkaasi isticmaali jiray.

wasiirka duulista somalia“Runtii waa dhibaato hadda inagu soo kordhay oo Yemen waa wadan aynu jaar nahay oo ay Badda uuni inoo dhexayso, meeshaana dagaalo ayaa hadda ka bilawday, marka dagaalku dhacana hawada waa la xidhaa, waana meeshii Diyaaraddaha Khaliijka inooga imanaya oo aad u badani soo mari jireen, dabcan taasina dhibaato ayay abuuraysaa hadda waa inay meelo aad u dheer soo maraan, waxaana taagan dhibaato xoog leh” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somalia Oo VOA-da la hadlayay.

Wasiirka ayaa sheegay in bedelista Khadka diyaaradduhu keenayo culus laxaad leh “Kolay khadka waa la bedelayaa, waxaana la raadinayaa halka jirkaddaha diyaaraddaha ugu jaban, ugu dhaw uguna nabad galyada badan, meelahaasina Qiimahana kor bay u qaadaysaa, Saacaddaha ama wakhtiga duulimaadkuna wuu badanayaa, waxayna ku xidhnaanaysaa Shirkaddaha oo eega Shidaalka ay isticmaalayaan iyo intay ku soconayaan” ayuu yidhi Mr Jangali.

Wasiir Jangali, waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin warar sheegayay in Somalia ogolaatay in hawadeeda laga dukheeyo Yemen “Waxaa fiicnaan lahayd inaad waydiisid dawladda hawshaas ku shaqada leh laakiin, annaga wax nala waydiistay ma jiraan”, ayuu yidhi Mr Jangali, isagoo ka gaabsaday waxa Somalia ka yeelayso haddii la waydiisto inta dagaalkani socdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here