Muqdisho(Hubaal)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa sheegay in Xulufadda Sucuudigu hogaaminayo ee Yemen ku duqaysa Xuutiyiinta ay u ogolaadeen Hawada Somalia.
“Wixii nala waydiistay waan Ogolaanay, waxaa la rabaa in haddii loo baahdo Hawadeena, dhulkeena iyo baddeenna la isticmaalo taasna waanu Ogolaanay, wax dambe oo nala soo waydiistayna ma jiro” ayuu yidhi Wasiirka Somalia ee Khaarajiga.
Wasiirka ayaa sidan sheegay mar uu la hadlayay BBC-da waxaanu ka gaabsaday in ilaa hadda la isticmaalay Hawada, Badda iyo Bariga ay fasaxeen “Anigu kama hadli karo amuurahaas, haddaad doonto waxaad weydiin kartaa Wasaaradda difaaca iyo amaanka” ayuu yidhi Wasiir Hadliye.
Wasiirka Somalia ma sheegin meelaha ay u fasaxeen Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo, balse waxaa hore u soo baxayay warar ku saabsan in Goobaha muhiimka ah ay ku jirto Berbera, arrintaasi oo Xukumadda Somaliland gaashaanka ku dhufatay, sheegtayna inaanay jirin cid kala soo xidhiidhay isticmaalkeeda.