Hargeysa (Hubaal) Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeysay in “falal xaalad abuur ah iyo hurin colaad” ay ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, lamana oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay colaaddaasi dhexmartay ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland. Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cabdiraxmaaan Cabdillahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya ay weerareen deegaannada Qoriley iyo Tuka-raq.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay in wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya iyo wasiirka amniga ee Puntland in ay booqdeen magaalada Dhahar, wuxuuna ku eedeeyay in “khudbado kicin ah” ay ka jeediyeen halkaasi. “Somaliland iyo dadkeedu waxay cadeynayaan in aanay mardambe u dulqaadan doonin xaaladaha noocaas ah diyaarna u yihiin in ay nabadgelyadooda iyo qarankooda difaacaan”, ayuu yidhi Guri Barwaaqo oo warbaahinta la hadlay maanta