Somaliland: Amar Culus Oo La Dul Dhigay Marfashyada Lagu Qayilo Iyo Tallaabo Laga Qaadi Doono Dadka Qaadka Ku ruuga

0
19

Ka Hor-tagga COVID-19: Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo Ku Dhawaaqday laga bilaabo maanta oo arbaca ah in ciidammo lagu soo daabuli doono magaalooyinka dalka

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Tallaabo ka qaadayso Cidda la arko iyagoo ku qayilaya Marfashyada ku yaalla Magaalooyinka dalka. Xukuumadda ayaa sheegtay in laga bilaabo Maalinta Berri ah Magaalooyinka lagu soo daadin doono Ciidammo, si ay Tallaabo uga qaadaan Dadka Qaadka cuna ee sida koox-kooxda Marfashyada ugu qayila. Sidaana waxa shalay sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ka hor-tagga Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus, kaasi oo ka dillaacay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland.

Dhinaca Kale Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in tallaabo ka qaadayaan ganacstada yaryar ee kor u qaaday qiimaha lagu iibiyo maciishada xilli aanu is bedel ku imaan qiimaha ay kaga iibiyaan ganacsatada waaweyn ee soo dejiya .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here