Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa (Hubaal) Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sannadood ee ay ku naalloonaysay madax-bannaanideeda waxay qabatintay inay adeegyada dalka ku daboosho haynteeda kooban ee ka soo baxda cashuuraha dadweynaha laga qaado.
Somaliland waxay waayo-arag ku noqotay in aanay ku balloobin kaalmo dibadeed oo shar iyo khayr labadaba kala maqnayd markii la dhiddibada loo taagayey dalkan oo dib u dhiskiisa laga soo bilaabay sagxada hoose.
Hawlihii waaweynaa ee dalka u qabsoomay; sida nabadeyntii, hubka dhigistii iyo dhismihii laamaha dawladda midna lagu unkin gacan shisheeye, taasina waa mid ka mid ah asbaabaha Jamhuuriyadda Somaliland kaga baaqsatay farogelin shisheeye oo ah waxa hagaajisayey dawladnimada saldhigi wayday ee dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya.
Sidoo kalena, Qarannimada JSL waxay innagu taagan tahay qiime adag iyo nafhurkii ay sameeyeen kumaan geesi oo u shihiiday halgankii adkaa ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida JSL.
Taasinta waxay keentay in aynu ka feejignaanno wax kasta oo haddimo ku ah Qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo sida dheemanka aynu ugu faro-adaygnay muddada rubuc qarniga ka badan ee aynu xornimadeenii kala soo noqonay Soomaaliya.
JSL waxay jeebadeeda ka maalgelisay sannadkan oo kaliya 56 dugsi oo cusub oo laga dhisay gobollada dalka.sidoo kale, waxa gabogabo ku dhow jidka weyn ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo laga maalgeliyey miisaaniyadda dalka iyo qaadhaan kooban oo ay ku tabaruceen dadweynuhu bilowgii jidkaas, waxana dhismay 266km oo kamid jidkaas oo dhererkiisa lagu qadaray 278km.
Sidoo kale waxaa sannadkan sii galbanaya ay xukuumaddu qoday 27 ceel oo dhaadheer oo laga hirgaliyey gobollada dalka oo dhan.
Waxyaabaha kale ee Xukuumaddu u qabsoomay waxa ka mid ah in 2021ka ay miiska saartay inta ugu badan dhaqaalihii ku baxay doorashadii isku sidkanayd ee Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka oo caalamka u muujisay siday Somaliland isku filan tahay, taasi oo keentay inay ballanqaadaan qaadhaan-bixiyeyaashu inay bixinayaan kharashaadka kaga soo hagaaga doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadka 2022ka.
Waxaa xusid mudan in aan Xukuumadda ku bogaadino tallaabada ay qaaday ee ay ku joojisay dhammaan mashaariic yar yar oo ay dalka ka fuliyaan Hay’adaha qarammada midoobay ee loo arkay inay karaamo dhac ku tahay qaddiyadda iyo qarannimada JSL, taasi oo toddobaadkii hore ay xaqiijisay Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ray’ul-caamka bulshadu soo dhaweeyeen isla markaana ku sifeeyeen mid loo baahnaa oo wakhtigeedii la gaadhay.
Jamhuuriyadda Somaliland oo markii ay yagleelka ahayd qaadan wayday cad-quudheed oo nuqsaan ku ah qarannimadeeda, maanta oo dawladnimadeedu jiridaysatay ma liqi karto inay aqbasho wax qaddiyada iyo qarannimadeenna lagu bahdilayo. Mana aha mid baahida ay u qabto horumarka ku beddelanaysa wax aan u qalmin qaranimadeeda.
Cumar Maxamed Faarax