Waxa kale oo ay ahaayeen sababihii ku dhiirigaliyey gumeystayaashii reer yurub inay qabsadaan wadamada Africa, intooda badan furitaankii marinkii kanaal Suweys ee sanadkii 1869-kii.
Qarnigii 18-aad inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikir iyo nidaamka qorshahooda siyaasadeed quwadihii tartanka ugu jiray kala qaysashada wadamada aduunka, waxaanay aaminsanaayeen laba hab oo kala ahaa, hab guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale) iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta wadamada kale inta ay soo korayaan ), British protectorate of Somaliland waxay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u ahaa boqortooyadii ingriiska, sannadihii 1841-1960-kii. waxa kale oo ay ahaayeen dalalkii boqortooyadii ingiriisku sida tooska ah u xukumaysay 24-dal.
Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii dunida iyo dabeylihii xornimo doonka ee socday sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British Protectorate of Somaliland 22-kii Dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska , wadamadaas oo kala ahaa:- Cameroon, Togo, Somaliland British protectorate, Madafascara , Mali Federation, Union Senegal, French Sudan, Congo, Somalia, Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad, Benin, I very cost.
ka dib markii ay ka qaadataya xornimadeeda dowladii Somaliland ee maxmiyada u ahayd boqortooyadii Ingiriiska (British Protectorate of Somaliland) , waxay qaadatay magaca Jamhuuriyadda Somaliland ( Republic of Somaliland) balse, mudo yar ka diba, waxay mar-labaad la’mid noqotay 12-kii Dal ee isla wakhtigaasi ku dhawaaqay inay sameysteen hab-wadaag dowladeed oo mideysan, waxaana gun-dhig u ahaa dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”- “Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland, Somalia, Republic Dahomey, benin, Republic of upper volta, Upper Volta, Burkina faso, Niger, Congo brazafil iyo Democracy Republic of Congo.
ka dib markii ay dhex-mareen dhibaatooyin hor-lihi dowladii la odhan jiray Katanga ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay dowladii Democracy Republic of Congo, waxa iyaguna Xiisad xoogani ka bilaabmatay xidhiidhkoodii iyo midowgoodi, dowladihii Mali federation, Union Senegal iyo French Sudan, isla markaana waxa ka go’day French Sudan, taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”, haddana waxa ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u qaadatay madax-banaanideedii Mali federation iyo Union Senegal, waxa iyaguna midowgaasi ku kala noqday Republic Dahomey iyo benin oo markii hore la baxay Republic of Upper Volta, isla wakhtigaasi waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo qaatay gooni isku-taag iyo madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray Upper Volta.
Dowladii Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland” ayaa hormood ka noqotay raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen Somalida waqooyi barri ee dalka kenia, Somalida degan gobolka galbeedka Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Somaliland, si loo hello midnimadii shantii soomaaliyeed, waxay Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqtay midowgii koonfurta Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali Republic”, oo wada jiray mudo 9-Sannadood ah, ka dibna, waxa iqlaab militariy ku qabsaday ciidamadii taliskii Maxamed Siyaad Barre, ka dibna, in ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM, ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii, waxaanay haddana isla-sannadkaasi la dhalatay 25-kii Dal ee qaatay madax-banaanida, kuwaasoo kala ahaa:- Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Belarus, Azerbaijan, Kazakhstan, …………………la Soco Qaybta 3-aad
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti