Somaliland: Cilmi Falagga Iyo Ged-Gedoonka Raad-Raaca Taariikhda Dunida-Qaybtii 3-aad- Qalinkii:Maxamed Faarax Qoti

0
192

ka dibna, in ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xoogagii  jabhadii SNM,  ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii,  waxaanay haddana isla-sannadkaasi  la dhalatay   25-kii Dal ee  qaatay madax-banaanida,  kuwaasoo kala ahaa:- 

map1960Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Somalia, Azerbaijan, Kazakhstan.

Inkastoo 24- dal oo ka mid ahaa 25-kaa dal la aqoonsaday, halka jamhuuriyaddda Somaliland oo hadda u dabaal-degaysa sannad-guuradeedii 24-aad ee ka soo wareegtay la noqoshadii madax-banaanideedii aan la aqoonsan.

Haddii aynu eegno aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha dhinaca  cilmi falagga, Somaliland uma baahna aqoonsiy ay aqoonsadaan dalal shisheeye ama ay ku dhawaaqaan inay aqoonsan yihiin, sababtoo ah waxa la aqoonsadaa dal ka go’ay dalka, laakiin, jamhuuriyadda Somaliland waa dal aduunkoo dhami uu aqoonsan yahay inuu ahaa dal xornimadiisii iyo madax-banaanidiisii ka qaatay maxmiyadii boqortooyadii Ingiriiska, ka dibna la soo noqday madax-banaanidiisii, markaa umaba baahna aqoonsi uu ka sugu dalalka aduunka, sababtoo ah dal laba jeer lama wada-aqoonsado, ee horaa Somaliland loo aqoonsaday, balse arrinka kaliyaata ee la gudbooni uu yahay in Somaliland saaxiibo badan ku yeelato waddamada caalamka. Runtana Allaa Og.

Somaliland waa dalka kaliyaata ee dadka ku nooli ay yihiin hal-qoys oo isku diin ah, isku-dhaqan ah, isku-luuqad ah, isku-sinji ah, isku-isir wadaaga marka loo eego dunida inteeda kale.

Sababaha dhalliya kala go’ida, ka go’ida, kala noqoshada dal, waxa inta badan lagu  tilmaamaa inay yihiin diinta, dhaqanka, luuqada, jinsiga, isirka,  kamay fogeyn  sababihii  ku keenay  in dalka Bakistan ka go’o dalka Hindiya, taasoo ku dhig u ahayd, dadka Hindida  oo intoo badan caabudi jiray Lo’da, halka,  dadka reer Bakistaana ay dhaqan jireen, isla markaana hilibkoodana cuni jiray, kadibna  waxay arrintaasi ku keentay isku dhac iyo inay  dagaalo iyo colaado ay  dhexmaraan Hindidii  iyo Bakistaaniyiinta wada degenayd  dalka hindiya, waxaanay u arkayeen  Hindidu in maalin kasta mid ka mdi ah IIlaahyadooda ay gowracaan, hilibkoodana cunaan dadkii reer Bakistan.

Haddaba marka aynu eegno Koonfurta Soomaaliya ee la baxday dowladda Federalka Somaliya waxa u sabab ah inay yeeshaan 8 madaxweyne oo ka kala taliya sida, Ximan iyo Xeeb, Galmudug, Xamar, Galbeedka Xamar, Putland, Kismaayo, Ehlusunna-wajamaaca iyo Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo leh 238 wasiir iyo in ka badan 400 oo xildhibaan.

Waxaana ku nool in ka badan 10-qoomiyadood oo ku kala duwan dhinaca dhaqanka, diinta, luuqada, sinjiyadda, isirka ay ka soo kala jeedaan,  waxaana lagu sheegaa in lagaga hadlo in ka badan 10-luuqadood oo kala ah, sida:-

Af-Bajuuni oo ah luuqad u dhow  afka Sawaaxiliga oo ay ku hadlaan dadka bajuuniga ah ee degan Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya, dhalasho ahaan ka soo jeeda TUUNI oo ka mid ah qabiilada la yidhaahdo, Digil iyo Midhifle.

Magacyad deegaamada ay degen yihiina waxa lagu tilmaamaa inay yihii Af-baajuuni sida:-   Sanguuni, Kibsuuma, Kumbareera, Af-midow turdhi, Kismaayo oo macno ahaan noqonaysa  (KISIMA “Ceel”  Yoo “ Dheer “).

Af-Banaadiri waa luuqad ay ku hadlaan dadka banaadiriga ee degan koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga dalka Kenya, kana soo jeedaan Afrika iyo beershiya (Iran)  in kastoo ay la baxaan ragoodu magacayada sida: Iikar,Yaamad, Macaloo, Muriidi, Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo, halka dumarkooduna ay la baxaan sida:-  Maanfaay, Baa’iishe, Daadooy, Biibi, baa’ita, haameey, Abaasti, Daadooy, Roonooy, Baabinti, IWM, dhanka maahmaahyada waxa ka mid ah sida:- Dadayasho doorabo ka uurowti,  Erbet aruurti misaar, Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi,  La faltee la beeqtee ka roon.

Af-Baraawe waa luuqad af-sawaaxiliga u dhow oo ay ku hadlaan reer baraawe iyo banaadirugu , oo asal ahaan lagu sheego inay ka soo jeedaan boortaqiiska.

Af-Dabarre ama  Af-Ciroole  oo ah luuqad u dhow Af-maay taasi oo ay ku hadlaan  Dabarlaha iyo Cirooluhu  dega  gobolka bay, jubada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya

Af-Garre  waxa lagu tilmaamaa inay u dhow-dahay luuqada af-baayga taas oo ay ku hadlaan garraha degan shabeelada hoose ee koonfurta soomaaliya,

Af-jiido waa luuqad ay ku hadlaan jiidaha degan shabeelada hoose , bay iyo jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya

Af-tuuni waa luuqad ay ku hadlaan Tuuniga degan shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee koo furta soomaaliya.

Af-maay waa luuqad ay ku hadlaan Maay-maayga degan koonfurta soomaaliya, erayada luuqadaas waxa ka mid ah:-  matha dhuura” madax-xanuun”  qaathasha “ guurka,  Kood “qosol” birooyma “gudniinka “ hangfar”dabeel” owaraad “Xalay” surung “istaag”  nyaanyuur, “ bisada”  maanya “bada”  mid ka mid ah gabayadooda oo dhigan sidan : Aaw Rewinoow ul malaag ing fuully, eleeng liing fiiriya arryng luku sughaaw, eretybyho ky eediyoony ly etheegsythaw, umyty liing eleeyo ilkoo liing edaayaw, Allyma ay kiingly moqyng,  Unugi af gaapyno owaadjkey yeraathy, aathisba ilduufase iyow hang towaane.

 Af-Gosha  waa luuqad ay ku hadlaan JareerGosha or Mushunguli degan Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Koonfurta somaliya waxaana la yidhaa Somali bantu

Af-Somaliga waxa kaga hadlaa aad bay u yar yihiin koonfurta soomaaliya.

waxa lala xidhiidhiyaa inay wadaagaan dhinaca cilmi falagga Yementa iyo koonfurta Soomaaliya , laakiinse waxay Yamentu  kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya waa dad leh dhaqan qudha, sidaa daraadeed waxa ku suntan dhiig iyo colaad aan dhammaanayn koonfurta Soomaaliya, lagama yaabo inay sii kala qayb-qayb santo doonto abidkeed. Runta Allaa Og

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here