Qlinkii: Adan Yusuf Elmi
waxaa muuqata in Fursad ay maanta soo martay Somaaliland loona baahan yahay in laga faa’iideysto kaas oo ah in wadamada carabta lagama maarmaan ay u tahay in Somaliland ay la galaan heshiis ku saabsan …
Heshiiska sadex geesoodka ahaa ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wada galeen . ayaa wuxuu ka abuuray Soomaaliya Iyo jabuuti welwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey wax loo eekaysiiyey dhaliilo iyo doodo jaban. siiba Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo si niyad ah u soo dhaweeyey falalkii liddiga ku ahaa heshiiskaasi. kaasi oo ay dawladda tabarta daran ee Somaliya ku sheegtay in aanay Somaliland geli Karin heshiiska Mashruuca Dekedda Berbera isaga oo Wasiirka Jabuuti u muuqday mid ku xumeyntaasi si weyn ugu laab-qabowday. Balse waxa is waydiin leh sababta qaar ka midda siyaasiyiinta Somaliland mar walba nasteex uga dhigaan dadkeeena dowladda yar ee Jabuuti . isla-markaana isu garab-taagan maamulo yaryar oo fara-galin qaawaan uga imaanayso Somaliland . taasi oo ay ku filan-tahay in aan leenahay. “Ha gartaan in adduunyaddu dan tahay oo nin waliba tiisa ku foofaayo, ka garan-waayana uu liico ama uu ciidda madaxa=galinaayo. waxaan leeyahay “Danta guud ee Dalka halaga Hormariyo dantiina gaar- ahaneed.
Sidoo kale Shacabka iyo xukuumadda Somaliland si cadho leh ayey uga jawaabeen hadaladda iyo cidkasta oo lidi ku ah Horumarka Somaliland. taasi ay ku sheegeen in waxa ka soo yeedhaaya maamuladda Soomaaliya iyo Jabuuti aanu khuseeynin siiba heshiiskaasi iyo kuwa kale ee soo socda, jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannaan muddo ilaa 28 sano.Ayna ku faraxsan tahay inay heshiiskan ku midoobaan DP World Iyo Itoobiya . Iyadoo fursad gaar ah siinaysa dadka wax ka dhoofiya iyo kuwa kala soo dega ee Bariga Afrika.
Sidoo kale maamulka tabarta yar ee Soomaaliya iyo cidkasta oo daaha dabadiisa ku jirta .in aanay awoodin fara-gelinta heshiiskaasi ,kaasi ku kooban oo keliya sadaxda dhinac ee heshiiska wada galay ee Somaliland, DP World iyo Dowlada Itoobiya.
Waxaa jira in dagaal dhaqaale oo ay isu bahaysteen qolooyin kala duwan laakin ka midaysan maslaxad keliya oo ah curyaaminta mashruuc walba oo ku saabsan Horumarka dekeda Berbera.
Horay ayaa Mashaariic kani la mid ah iyo kuwa kale Jabuuti Iyo Somaaliya hirgelintiisa laga bilaabay. Mashruucyadaasi ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. kuwaasi oo Balaayiin dollar ku kacday. waxaan leeyahay Sida dal waliba tiisa u raacdo, ayey Somaliland danteeda dhaqaale iyo qorshaheedda Istaraatijiyadeed u raacday. Waan soo dhaweynayaa markasta.
Waxaa kaloo jira in Gacanka Cadan ama kan Berbera yihiin Biyo-mareen muhiim ah oo maraakiibta shidaalka ay isticmaalaan, gaar ahaan saliidda Persian Gulf ka timaada, waana biyo mareen muhiim ah ilaha dhaqaalaha adduunka sameyn weyna ku leh. Somaliland waxa ay ku taallaa goob muhiim ah isla-markaana ah albaabka isku xidha Qaaradda Africa iyo dunida in teeda kale.
Sidaa awadeed, qiimayntan noocani ahi waxa ay Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta “GCC” waxeey arkeen wadadda keliya u furani in ay tahay Gacanka Cadan ama Marsadda Berbara oo xuduud u ah labada marin Biyood ee kala ah Beb Al-Mandeb iyo Persian Gulf.
Waxii ka hor-imanaaya Iyo Qorshaha dowlada Jabuuti ee ku astaysan arimahaa ee waqtigan waa mid ay muddo badan ka-soo shaqayneysay waqti badan iyo maal badana ay galisay. Lakiin waxaa muuqata in Fursad ay maanta soo martay Somaaliland loona baahan yahay in laga faa’iideysto kaas oo ah in wadamada carabta lagama maarmaan ay u tahay in Somaliland ay la galaan heshiis ku saabsan Badbaadinta Ganacsiga saliida.
Qlinkii: Adan Yusuf Elmi