Hargeysa (Hubaal) Waxaa rasmi ah Iga bilaabmay Gobolka Awdal Mashruuca dib u xooleynta dadkii Xooluhu ka baxeen.
Mashruuca Dib u xooleynta oo ay fulinayso Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, ayaa waxa xoolo nool loo qeybiyey 100 Qoys
Waxaa sanadkii labaad dib u bilaabmay Mashruuca dib u xooleynta dadkii Xooluhu ka baxeen kaas oo laga maalgalinayo miisaaniyada qaranka. Kun neef (1,000)oo dhaqmaad ah tirada guud ee qoys kastaa helay waa 10 Neef. Qoysaska ka faa’idaysan doonaa waxay dhan yihiin 1,000 Qoys.