SOMALILAND: Eedaha Loo Jeedinayo Dawladda Madaxweyne Geelle Oo Isasoo Taraya

0
17

Masuuliyiin Ku Baaqay In 24-saacadood Gudahood Dalka Lagaga Saaro Wakiilka Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

“Waad Ogtihiin Xuduudku Xageena [Somaliland] Wuu Ka Furan Yahay Oo Way Soo Gali Karaan, Iyaga [Jabuuti] Hal Gaadhi Oo Aynu Leenahay Ma Gali Karo” Xisbiga UCID Oo Mar Kale Ku Celiyay Eedaha Ka Dhanka ah  dawladda Jabuuti

Hargeysa, (Hubaal) – Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa eedo u jeediyey dawladda Jabuuti, kaas oo sheegay in Jabuuti ay tahay cadowga Somaliland.

Sidoo kale Mr Ramaax waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay mudo 24 saacadood ah gudahood ay dalka kaga saarto Safiirka dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland. “Waad ogtihiin xuduudku xageena wuu ka furan yahay oo way soo gali karaan, iyaga hal gaadhi oo aynu leenahay ma gali karo, habarta khudradda ku beertay halka 40Km u jirta magaalada Jabuuti kuma galin karto magaceeda iyada oo xuduuda Somaliland ka galinaysa. Dalka caynkaa inoola dhaqmaya, waxaanu leenahay xukuumada waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta dadkeeda iyo dhaqaalaheeda may u saamixin, kalamanay hadlin, waxa ku haboon in cirka, dhulka iyo badda ka xidhno xabadda Kalluun ah ee Jabuuti laga cuno badda Somaliland ayaa laga qaadaa,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Xoghayah Arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali saleebaan Ramaax

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha gudaha ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa waxa mar uu ka hadlayey dekeda Berbera iyo saamaynta ay Jabuuti ku yeelatay “Waxa uu la wareegay hadana isaga oo sifayaal ganacsi oo kale usoo maraya, maanta dekedii Berberi inay xidhanto ayay ku dhawdahay, boqolkiiba shan iyo afartan Koonteenaradu waxay soo maraan Jabuuti, isagoo u maray hab kale oo diblomaasiyadeed iyo qaybin uu qaybinayo dadka reer Somaliland. Anagu cadawgayaga koowaad ayaanu u aragnaa, haday xaga dhaqaalaha tahay, taa gudoomiyuhu ka hadlayna runtii waan ayidayaa,” ayuu yidhi Mr Ramaax, waxaanu intaasi ku daray oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga saaro safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland.

Xisbiga Ucid oo kaliya kuma eeka dadka ama siyaasiyiinta Somaliland ee eedaha u jeedisay dawladda Jabuuti, waxa isna maalintii shalay warbaahinta kula hadlay hargeysa, xildhibaan Nacnac oo difaacay, isla markaana taageeray hadalkii guddoome Faysal Cali-waraabe ee ka dhanka ahaa dawladda Jabuuti. Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in Jabuuti tahay cadawga koowaad ee jamhuuriyadda Somaliland. “jabuuti waa cadawgayaga koowaad, waxay innoo qabtaan ma jirto. Haddii maanta madaxweyne Muuse uu Innanta [Seedinimo] u qadarinayo iyo baasaboorkiisa, isagay jirtaa.

Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland

Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in dalka laga saaro wakiilka Jabuuti Hargeysa u fadhiya. “Haddii 24 saacadood gudahood dalka lagaga saari waayo, Wakiilka Hargeysa u fadhiya dawladda Jabuuti, waxbaanu ka qaban doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan

Ilaa iyo hadda xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi ayaan ka hadal, wax jawaab ahna ka bixin hadallada masuuliyiinta Somaliland ee eedaysay jabuuti iyo wakiilka Jabuuti ee fadhiya Hargeysa ay siweydaarsadeen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here