Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xubnihii Labada Xisbi Mucaarid U Xusheen Guddida Doorashooyinka

0
13

Gudoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” Muxuu ka Yidhi Ansaxinta Xubnahan

Ansixinta Labadan Xubnood, Ma Waxay Ka Dhigan Tahay in Doorashadu Waqtigii Loo Muddeeyay ku Dhici Karto?

Hargeysa (Hubaal) Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ay yeesheen, ku ansixiyey labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matalayey guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland. Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa ka soo xaadiray 53 xildhibaan, waxayna mudanayaasha golaha wakiiladdu cod gacantaaga si kalikali ah ugu codeeyeen la bada xubnood ee ay ansixiyeen.

Markii ay codayntu dhammaatay waxa natiijada cod qaadista si rasmi ah ugu dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax, oo sheegay in C/fataax Ibraahin Xasan ay ogaalaadeen 49 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 3 mudane, iyada oo aanay jirin cid diiday wuxuuna ku ansaxay sidaas.

Waxa kale, oo uu guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ku dhawaaqay in Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar ay ogolaadeen 51 xildhibaan, halka uu ka aamusay hal mudane, iyada oo aanay jirin cid diiday waxaanu ku ansaxay sidaas.

Waxayna labadan xubnood ee ay mudanayaasha golaha wakiilladu ansixiyeen ay sidaas ka mid noqonayaan toddobada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Labadan Xubnood ayaa hore Goluhu u diiday, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa dib ugu soo celiyey, ka dib markii ay wada-hadleen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah.

Mucaaridku sidii u arkay ansixintii shalay

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa si weyn u soo dhaweeyay, talaabadii xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland ay maanta codka kalsoonida ugu qaadeen labada xubnood ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, u matalaya xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID

Guddoomiyaha ayaa ku tillaamay tallaabo dardar gelinaysa qabsoomidda doorashooyinka iyo dimuqraaddiyadda Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi “Waxa aan ku bogaadinayaa golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland ansixinta labada xubnood ee xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI & UCID u soo xuleen in ay ka mid noqdaan guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, si loo bilaabo howlihii geedi-socodka doorashada golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka,”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here