Qoraalkani waxaan ugu talo galay inaan waxoogaa qiimayn ah ku samayno bal halka ay marayso dawladda Somaliland marka laga eego dhinacyo badan oo muhim u ah horusocodka ay u baahan tahay umad kasta oo calan lihi. Iyadoo dadka wax odorosaa ay dhinacyo kala duduwan waxka eegi karaan, haddana anigu qoraalkaygan waxaan wax kooban ka odhanayaa qodobada soo socda:
Xaga Dimuqraadiyada. Siyaasada gudaha waxaan odhan karaa Somaliland waxay gaadhay meel fiican. Haykal wanaagsan oo si dmuqraadiya u shaqaynaya ayay leedahay. Haykalkaasina wuu hafta baxay oo dhawr jeer oo wadanka ay soo waajaheen mashaakilo adadagi, wadanku wuxuu mashaakilkaasi kaga baxay isagoo isticmaalaya haykalkaasi siyaasadeed. Waxa halkan ay qasab tahay in la sheego doorka xasaasigaa ee ay ciyaareen walina ay cayaarayaan golaha guurtidu. Dabcan fikirkan waa lagu kala duwanaan karaan laakiin anigu waxaan u arkaa inuu golahaasi yahay “shock absorber” ka Somaliland. Si kale haddii loo dhigo golahaasi waxaa lagu sifayn karaa inuu yahay golaha ka hortaga khataraha ee Somaliland. Dabcan xubin kasta oo haykalka ka mid ahina hawsheeda way gudatay, laakiin golaha guurtidu waa meeshii lagu saxayay wixii siyaasada dalka ka khaldama iyadaa oon hayado shisheeyo loo qayla doon diran.
Xaga dhaqaalaha.Iyadoo ilaha dhaqaale ee waddanku aanay sidaa u badnayn, haddana waxa waddanka u suurto gashay inuu bixiyo biilashiisa kala duwan hadday taahay mid shaqaale dawladeed lagu bixinayo, hadday tahay mid ciidan, iyo hadday tahay mid horumarin lagu bixiyo sida dhismaha waddooyinka. Arrintani anigu aad baan ula yaabay sababtoo ah markaynu ka hadlayno wadan yar oo 25 jir aan wali gaadhin haddana aanad ku arkayn cid ka cabanaysaa mushaharkii oon la bixin. Waxaan xog ku hayaa in bishu iyadoon dhamaan la bixiyo mushaharka shaqaalaha dawlada. Waxa intaa kuu dheer iyadoo aad moodo in heerka ama “scale” ka mushaharka ay dawladu bixisaa uu yahayba mid daboolaya baahida qoysaska shaqaalaha dawlada. Arrintan raaligelinta shaqaalaha dawlada waxaan isleeyahay haddii wadamada geeska Africa sarfay lagu samayn lahaa Somaliland meel fiican ayay garaafka ka gelaysaa.
Xaga Nabadgelya. Arrintani waa waxa ay Somaliland ku faanto markaysta oo laysugu yimaado fagaarayaasha caalamiga ah. Xaqna way u leedahay Somaliland faankaasi sababtoo ah 23kii sanno ee uu wadanku jiray lama sheegi karo qatar wayn oo ku timi xaga nabadgelyadiisa. Taasi macnaheedu maaha in Somaliland aanay lahayn wax carqalada oo ku taagan nabadgelyadeeda. Laakiin taarrikhdaasi 23 ka sanno ahi siday wax usoo socdeen waxa ay sababaysaa ididiilo aad u wanaagsan iyo isku halayn nabadgelyada wadanka ah. Waa arrin aan si sahlan lagu gaadhin oo ay kawada shaqeeyeen reer Somaliland shacab iyo dawladba.
Xaga arrimaha diinta. Somaliland waxa la odhan karaa fikirada kala duduwan ee diinta Islaamka (ee Madhabka Suniga) mid walba waa laga helayaa. Waa dal ay ka jirto “xorriyatul qawl” oo markaasi koox kasta oo diini ahiba masaajidkeeda ayay dadka si dhib la’aana uga wacdiyaan. Mida muhiimka ahi waxa weeyaan fikirka oo si xoriyadi ka buuxdo laysu waydaarsanayo. Waxaad arkaysaa laba masaajid oo iska soo horjeeda oo midba ay koox gooni ahi ay gacanta ku hayso fikirkana lagu kala duwan yahay laakiin aanay jirin wax turxaan ihi. Koox waliba gaarkeeda ayay dawlada u taageersan tahay, kooxaha xagjirka ahina way reeban yihiin oo meel baa looga soo wada jeedaa. Isudulqaadashadaasi xaga diinta ahina waa waxyaabaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay.
Xaga siyaasada khaarajiga. Siyaasada khaarajigu waa meelaha aanay Somaliland kasoo hoynin horumar wayn. Dabcan waa dal aan haysan ictiraaf caalami ah oo dalka majoogaan diblumaasiyiin fara badani oo dalalka caalamka metelayaa. Haddana Somaliland itaalkeeda way dadaalaysaa oo dhawr wadan oo muhiim ah ayay la samaysatay xidhiidh wanaagsan. Hayada UN ta ayaa ahayd meelaha aanay Somaliland xidhiidhka wanaagsan la samayn intii ay jirtay. Haddana in dhawayd intii Maxamed Biixi loo magacaabay wasiirka khaarajiga waxaad moodaa inuu soo fiicnaaday xidhiidhka Somaliland iyo UN tu.
HALKAY HIGSANAYSO
Ictiraaf caalami ah. Dabcan Somaliland ictiraaf caalami ah way u baahan tahay. Laakiin midbaan anigu u arkaa inay muhiim tahay taas oo ah Somaliland haddii la ictiraafi lahaa markay dhalatay maanta dimuqraadiyada ay haysato may gaadheen. Waxaan qabaa inay dhalan lahayd dawlad ku dhaqanta nidaamka keligii taliska sida Eeritriya iyo South Sudan oo kale. Laakiin maanta Somaliland waxay gaadhay bisayl siyaasadeed oo hadday maanta ictiraaf hesho waxaan qabaa inaanay ku marganahay oo aanu ictiraafku ku keeni doonin dibudhac xaga heerka dimuqraadiyadeed iyo isutanaasul ee ay dhisatay kuna soo caana maashay.
Horumar Dhaqaale. Horumar dhaqaale oo intan ka fiican Somaliland way u baahan tahay. Wadanku wuxuu aad ugu baahan yahay hormarin laxaadle oo lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka laamiga ah ee isku xidha degmooyinka kala duwan ee dalka. Taasi waxay ku iman kartaa iyadoo la helo oo la kobciyo ilo dhaqaale oo aan ahayn kuwa hada jira. Ilahaasi ka faaiidaysiga u baahana waxaa ka mida macdanaha kala duwan oo la soo saaro, beeraha oo si casriya loo beerto, xoolaha nool oo si casriya loo dhaqdo iyo dabcan shidaalka haddii lagala heshiiyo shirkada caalamiga ah.
Nabadgelyo waarta. Nabadgelyo wanaagsan Somaliland way haysataa waana waxyaabaha ay ku soo caana maashay kagana wanaagsan tahay dalal badan oo mandaqada ku yaala. Laakin taas macnaheedu maaha in wadanku uu bilaa mashaakil yahay. Qataraha nabadgelyo ee loo baahan yahay in degdeg waxlooga qabto waxaa ka mid ah mishkiladaha dhaqan xumada ee ay bilaabeen dhalinyarada magaalooyinka ku nool ee afka qalaad lagu yidhaa “gangsterism” . Dhalinyaradaasi waxay ku hubaysan yihiin midiyo waaweyn oo iyagoo koox-koox u socda ayay habeenkii magaalada (caasimada Hargeysa) gaafwareegayaan oo ay raadinayaan cid ay baadhaan. Qofka ay hanti ku qabtaan haddii uu waxuu hayo degdeg dhulka u dhigi waayo naftiisa ayay khatar gelinayaan oo ay dil la beegsanayaan. Qatartaasna inta badan waxaa lagu hayaa dumarka iyo caruurta. Waxa kaloo magaalada caasimada ah lagu arkay kooxo dadka ka ganacsanaya oo khaasatan caruuraha xaafadaha afduubaya. Kooxahaasi caruurta afduubaya hadafkoodu waxa weeyaan inay caruurtaasi dalka ka saaraan oo aakhirka ay caruurtaasi kelyahooda iyo xubnaha kale ee qiimaha leh la baxaan oo ay iibsadaan.
Dimuqraadiyad xididaysatay oo ixtiraamaysa dhaqanka umadda. Waxa kale oo ay Somaliland u baahan tahay inaanay isdhigan oo mar walba ay xanafta ka ilaaliso nidaamka dastuuriga ah ee ay dejisatay. Nidaamkaasi oo ah mid ay iyadu samaysatay oo ay ku sallaysay diinta Islaamka iyo dhaqanka Somalida.
Abdirashid Ahmed Guleid Guleid