Qaranka Somaliland oo ah mid caagihiisa ku taagan dibna ula soo noqday qaranimadiisa haddana haysata xoriyad buuxda maamulana dhulkiisa oo dhan cidina aanay ku qasbi Karin waxaa loogu yeesho soomaali-weyn ,ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo mudane axmed siilaanyo ay somaliya la furtay wadaa-hadal,kaaso al-baabada u furay,inay labada wadan si simman u wadaa hadlaan iyaago ah laba qaran oo simman.waxaana wadaa hadal dabadii kasoo baxay qodobo kuwaaso ay si wadaa jir ah u saxeexeen,labada dhinaca,waxaana la isla waafaqay in kullanno dabe la iskugu soo noqdo ayaado lasi am-ba qaadi doono xaal laga gaadho wadaa-hadallad u dhexeeya labada qaraanbaa taaso si toosa ay u dhex-dhexaadinayso dawladda turkigu.
Hadaba yaa ka baxay heeshiiskii hawada ee ahaa in lagu maamulo caasimadda Somaliland ee Hrgeisa?
Waxaay dawlada soomaaliye ee u hasan sheikh maxamuud gadh-wadeenka ka yahay ay si badheedh ah u in-qilaabtay qodobadii lagu heeshiiyey ee ahaa in si siman hawada loo qayb sado dhaqaalaheeda laguuna maamulo Somaliland,gaar aahanna caasimadda hargeisa,waxaanay soomaaliya si badheedh ah ula shoowrtay kooxda fidnada iyo qalalaasaha ka shaqaysaa ee lagu magacaabo qaramadda midoobey kuwaaso markii hore si ku meel gaadh ah u maamuli jiray hawada labada wadan waa Somaliland iyo soomaaliye.waxaanay kooxdan qaramada midoobey ay dhinaca saartay soomaaliye waxaanay sheegtay inay ku waajinayaan soomaaliya hawada oo dhan .Laakiin warkasi kama uu-san daadagin Somaliland, waxayna soo saartay war saxaafadeed ay Qaramada Midoobey oga digeyso in ay qaado talaabo maamulka hawada ay ugu wareejineyso dowladda federaalka, haddii taasi dhacdana ay cawaaqib xumo ka dhalan karto.
War kasoo baxay wasaaradda duulista hawada sare ee Somaliland ayaa lagu sheegey in maamulka uu diyaar u yahay in uu la wareego maamulka hawada, islamarkaasina aysan mar-naba aqbali doonin in hawadooda laga maamulo wax ay ku tilmaameen “Dal Shisheeye“. Horey waxaa hawada Soomaaliya looga maamuli jirey Nairobi, waxaana gacanta ku heysey hey’adda Qaramada Midoobey ee duulista qaabilsan, hase yeeshee wadahadalo la waday muddo sanado ah ayaa u muuqda in markani ay miro dhalayaan, hase yeeshee caqabado gudaha ah ay ragaadinayaan in lala soo wareego maamulka hawada. Sida aan horey u tabiney maamulka hawada waa mashruuc macaash miidhan ah, iyadoo maalinta qudha laga sameeyo lacag gaaraysa hal malyuun oo doolar, illaa 90 duulimaad oo caalami ah ayaa maalin kasta isticmaasha hawada Soomaaliya, kuwaasi oo laga qaado lacagta mushaaxa hawada. Tani waa sababta ugu weyn ee la’isku heysto, dowladda federaalka waxay dooneysaa in lacagtaasi ay dakhligeeda ku kordhiso, halka Somaliland ay dooneyso in lacagtaasi ay qeybteeda ka hesho.
Wada hadaladani oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa kala horkacaya Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud cabdi Xaashi. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel oo ka warbixiyay wadahaladani ayaa sheegay inta badan arrimaha laga wada hadlayo ay ku salaysan yihiin arrimo farsamo oo la xiriira sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa Dalka Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada Soomaliya.balse taasi hadana way burisay somaliya waxaanay sammaysay arrin laf jab ku ah qaranka oo dhan. Isku soo wadaa duubo Somaliland ayaa iyaadu xaq u leh inay si toosa ula wareegto hawadeeda iyaado dhowaan dalka la keenay qalabka lagu maamulo hawada waxaana ay dhowaan haday qaramada midoobay ka noqon waayan go”aankaas dhinaca ka raaran ay si badheedh ah u xukuumi doonta hawada Somaliland oo dhan waxaanay taasi halis ku tahay amnigga dhinaca hawada oo markii hore ahayd mid la wadaa maro waxaana dhici karta jaho-wareerku dhaca diyuuradaha rakaabka qaada iyo kuwaa ay leedahay qaramada midoobeyba.
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuuur
Info@xogreebnews.com
Tel.4144434
Hargeisa/somaliland