Agaasimaha wasaaradda beeraha oo sheegay in sidii la moodayey aanu ahayn fidtitaanka Ayaxa, balse uu aad uga badan yahay
Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgalo lagu buufinayo kaoron-korta Ayaxa ka bilawday deegaanno ka tirsan gobolka Hawd. Hawl-galadan lagula dagaalamayo koron-korta Ayaxa ee ay wado wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, deegaanada ay ka fulinayso hawlgaladaas waxa ka mid ah deegaanka Jabaaqe, magaalo Xaali, Balliga-cad, Qoolcade iyo deegaanka Toon, iyada oo uu hawlgalkaas uu hogaaminayey agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax.
Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha deegaanadaas iyo xubno ku hadlayey afka beeraleyda oo sheegay in ay mar kii hore iyagu la tacaalayeen sidii aanu beeraha iyo deegaanka waxyeelu ugu geysan lahayn koron-korta Ayaxa ee deeganaadas ka dilaacay, iyaga oo xusay in ay u adeegsanayeen daawooyin ay kula talisay wasaaradda beeruhu in ay adeegsadaan, isla markaana waxa ay ka mahad celiyeen sida deg dega ah ee ay wasaaradda beeruhu uga jawaabtay qaylo dhaan ay sheegeen in ay u direen.
Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr. Axmed Cali Maax, oo goobjoog ka ahaa hawlgalkaas ay kula dagaalamayaan koron-korta Ayaxa, ayaa sheegay in sidii la moodayey aanu ahayn fidtitaanka Ayaxa ee dalku, balse uu aad uga badan yahay sidii la moodayey, wuxuuna intaas raaciyey in laga filayey deegaannada xeebta ee dalka in uu ku badan yahay, laakiin uu u gudbay deegaano aan loo tirinayn gaar ahaan kuwa hawdka, isaga oo intaas ku daray in ay qorshaha ku darsan doonaan hadba waxa ku soo kordha hawshaas.
Wuxuuna agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland tilmaamay in ay xoojinayaan dedaalada ay wasaaraddaasi ugu jirto la dagaalanka Ayaxa, gaar ahaan waaxda bad-baadada beeraha iyo Ayax, isaga oo bogaadiyey bulshada ku dhaqan deegaannada ay ka fuliyeen hawlaha buufinta Ayaxa, oo sheegay in ay si nwanaagasan ula shaqeeyeen hawl-wadeenada wasaaradda beeraha ee hawshaas gacanta ku haya.