Warbixin Uu Saaray Xafiiska La Socodka Arimaha Doorashooyinka (EMO) Oo Farta Ku Fiiqay Arrimo Caqabad ku ah qabsoomida Doorashooyinka wakiillada iyo dawladdaha hoose oo 165 habeen innaga xigaan
Hargeysa (Hubaal) Xafiiska la socodka arrimaha doorashada (Election Monitoring Office) waa farac ama qayb ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center for Policy Analysis, kaas oo la hawlgeliyey bilawgii sannadkii 2017. Xafiiskan ayaa si dhow ula socda hawlaha doorashada, wuxuuna bishiiba hal mar soo saaraa warbixin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka khuseeya ee ka socda Somaliland, sida halka ay marayaan diyaargarowga doorashada, shuruucda doorashada, caqabadaha dib u riixi kara doorashooyinka iwm.
Warbixinta Xafiiska la socodka arrimaha doorashada (Election Monitoring Office) uu soo saaray waxay u dhignayd sidan;
Xafiiska la socodka arrimaha doorashada (Election Monitoring Office) waa farac ama qayb ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center for Policy Analysis, kaas oo la hawlgeliyey bilawgii sannadkii 2017.
Xafiiskan ayaa si dhow ula socda hawlaha doorashada, wuxuuna bishiiba hal mar soo saaraa warbixin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka khuseeya ee ka socda Somaliland, sida halka ay marayaan diyaargarowga doorashada, shuruucda doorashada, caqabadaha dib u riixi kara doorashooyinka iwm.
HORDHAC
165 habeen ayaa ka hadhay xilliga loo asteeyey inay doorashooyinka golaha wakiillada iyo dawladaha hoose ka qabsoomaan Somaliland taas oo ku began maalin Arbaca ah, bisha March 27, 2019, hase ahaatee waxaa jira caqabado waaweyn oo weli horyaalla inay doorasho qabsoonto, taas oo faham ahaan muujinaysa inaanay suurogal ahayn in wakhtiga kooban lagaga gaadhsiiyo hawlaha doorashada ee yaalla, maadaama aan illaa haatan heshiis lagu ahayn habka doorashada loo gelayo ama aanu jirin qorshe doorasho oo ay heshiis ku yihiin dhinacyada ku lug leh hawlaha doorashooyinka Somaliland.
Caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada horyaalla waxaa ka mida kuwo siyaasadeed oo ay ugu horrayso
- a) In guddida doorashadu helo kalsoonida saddexda Xisbi, si uu u qabto hawlaha doorashada, waxaana hawsha guddida doorashada aan ku qanacsanayn xisbiga Waddani oo qoraal tabasho ah u diray madaxweynaha dalka si uu u kala diro guddida doorashada, hase ahaatee madaxweynuhu wuxuu muujiyey inaanu ku raacsanayn xisbiga Waddani eedaha ay ka gudbiyeen guddida doorashada.
- b) In la ansixiyo Xeerkii Doorashada lagu geli lahaa oo horyaalla golaha wakiillada muddo kor u dhaafaysa 3 bilood, illaa haatanna golaha wakiilladu kama doodin xeerka doorashada, waxaana xildhibaannada golaha wakiilladu ay ku doodayaan inay xeerka ku jiraan qodobo siyaasi ah oo goluhu ku kala aragti duwan yahay, ayna tahay in marka hore xisbiyada, gobollada ka cabanaya saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo xukuumaddu ay ka soo gaadhaan heshiis siyaasadeed, gaar ahaan arrinta saami qaybsiga kuraasta. Qodobkan oo leh culayskiisa siyaasadeed ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashada golaha wakiillada Somaliland.
- c) Ka go’aan gaadhista qoondada haweenka oo ku dhex jirta Xeerka doorashada ee loo gudbiyey golaha baarlamaanka, taas oo u baahan awood siyaasadeed oo taageerta haddii la rabo in la hirgeliyo.
- d) Waxaa iyana caqabad siyaasadeed ah, in wax laga qabto xiisadaha dhinaca nabadgelyada ee ka jira gobollada bariga, kuwaas oo culays amni iyo mid siyaasadeedba ku ah doorashada, haddii aan xal laga gaadhin xiisadda Tukaraq, arrinta ka jirta gobolka Sanaag ee jabhadaha is-hubeeyey iyo xanafta ka dhalatay doorashadii dalka ka dhacday oo weli meelaha qaar ka sii muuqata, waxay culays amni iyo mid siyaasadeed ku keenaysaa hawlaha doorashada ee gobollada bariga.
- e) Xiise weyn oo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ee soo socda oo aanay muujinayn wadamada Somaliland ka taageera hawlaha doorashada, taas oo lafteedu saamayn ku leh dardargelinta diyaargarowga hawlaha doorashada, waxaadna moodda in wadamada qaarkood ay haatan dedaalladoodii hawlaha doorashooyinka u leexiyeen dhinaca Somalia, gaar ahaan diyaargarowga doorashooyinka soo socda.
Sidoo kale waxaa jira hawlo farsamo oo ka horreeya doorashada oo ay tahay in la qabto, sida diiwaangelinta codbixiyayaashii aan hore isu diiwaangelin ama muwaadiniinta qaangaadhay intii ka dambaysay doorashadii hore, arrintan oo u baahan qorshe doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo wakhti iyo dhaqaaleba.
Haddaba Xafiiska la socodka hawlaha doorashada (Election Monitoring Office) ee xarunta CPA, wuxuu halkan idiinku soo gudbinayaa hawlaha la xidhiidha doorashada ee Somaliland ka dhacayey bishii ugu dambaysay.
DHACDOOYIN XIDHIIDH LA LEH HAWLAHA DOORASHADA
- September 19, 2018: Waxaa kulan yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen hawlaha doorashada caqabadda ku ah. Madaxweynaha iyo Madaxda labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa ku heshiiyey:
- In la saaro guddi ka kooban saddexda Xisbi oo tiradoodu dhan tahay 18 Xubnood, guddidaas ayaa awood loo siiyey inay xal ka gaadhaan caqabadaha horyaalla doorashada.
- In madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ahi inay yeeshaan kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo tan Somaliland. 1
- September 23, 2018: Waxaa magaalada Hargeisa kulan ku yeeshay masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kulankaas ayaa socday ku dhowaad 9 saacadood, waxaana lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya hawlaha doorashada, siyaasadda gudaha dalka, siyaasadda debedda iyo arrimo kale.
- September 25, 2018: Waxaa hotelka Grand Hadi ee magaalada Hargeisa kulan ku yeeshay Guddida Xisbiyadu u saareen hawlaha doorashada, waxaana dhinacyadu dejisteen 7 qodob oo ajande ah, oo uu ugu horreeyo xal ka gaadhista arrinta la xidhiidha Guddida doorashada oo Xisbiga Waddani Saluug ka muujiyey, hase ahaatee waxaa kulankaas u horreeyey uu soo dhamaaday iyada oo aan wax heshiisa laga gaadhin arrinta guddida doorashada. Waxaa guddida shirayey isla garteen inay si gaar ah isu arkaan Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, si la isugu soo dhoweeyo mawqifyada kala durugsan ee ay taagnaayeen Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye ee la xidhiidha hawlaha Komishanka.
- September 28, 2018: waxaa kulan ku yeeshay guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici, masuuliyiin kala metelaya Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, iyada oo laga wada hadlayey sidii loo heli lahaa aragti dhexe oo lagu xalliyo arrinta Komishanka, hase ahaatee wax natiijo ah kamay soo bixin.
- September 30, 2018: Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in shir ay yeesheen guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye in xilkii
1 Somaliland Channel (September 19, 2018); Xukuumadda iyo Xisbiyada oo yeeshay kulan ay kaga hadleen arrimaha doorashada. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=EcBbvwS-laQ
2 Arabsiyo news (October 3, 2018); Somaliland: Xisbiyada oo kulan ka yeeshay hawlaha doorashada. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=vF1_cN_F5_I
guddoomiyaha golaha dhexe iyo xubinadii golahaba laga qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Shabeel. Go’aanka uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay in loo adeegsaday xil-ka-qaadista guddoomiyaha golaha dhexe, qodobka 56aad ee Dastuurka Xisbiga, kaas oo ka hadlaya anshaxmarinta masuuliyiinta iyo xubnaha xisbiga. 3
- October 1, 2018: Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil-ka-qaadista lagu sameeyey, wuxuuna ku dooday, in golaha dhexe uu ka sarreeyo guddida fulinta, isla markaana aan guddida fulintu awood u lahayn inay xilka ka qaadaan, sidoo kale wuxuu sheegay in Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye eek u saxeexan waraaqda xil-ka-qaadistiisa, inaanu ahayn masuul la ansixiyey hase ahaatee uu yahay qof la magcaabay, hoggaanka xisbigana ay tahay in la ansixiyo, taasina aanay awood u siinayn inuu tallaabo noocan ah qaado. Jaamac Shabeel ayaa ugu baaqay xubnaha golaha dhexe inay isugu yimaaddan shir gole dhexe oo ka qabsooma xarunta Xisbiga Kulmiye maalinta sabtida oo ku begnayd October 6, 2018. 4
- October 03, 2018: labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa uu diiday soo jeedimihii Xisbiyada Mucaaradka ee kala ahaa
- Xisbiga Waddani oo soo jeediyey in la kala diro guddida doorashada ee haatan jooga
- Xisbiga UCID oo isagu soo jeediyey in kordhiyo Guddida Doorashada
Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay inay weli diyaar u yihiin wadahadal, hase ahaatee wadahadaladu ay hakadeen, ka dib markii Xisbiga Kulmiye uu muujin waayey wax debecsanaan ah oo la xidhiidha mowqifkiisa. Xisbiga UCID ayaa sheegay inuu door dhexdhexaadin ah ka qaatay isu-soo dhoweynta labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID si xal loogu helo qodobada labada dhinac ku kala aragtida duwan yihiin, waxaana muuqata in labada Xisbi ee UCID iyo Waddani inay ka wada socdaan aragtida ah in la kordhiyo guddida doorashada oo laga dhigo sagaal xubnood. 5
- October 04, 2018: Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xilligeeda ku qabtaan doorashada golaha wakiillada iyo Deegaanka, haddii ay
3 Eryal TV (September 30, 2018); Xisbiga Kulmiye oo Xilka ka qaaday Jaamac Shabeel. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=4HP1Za8-xJ8
4 Ilays news (September 30, 2018); Jama Shabel oo ka hadlay xil ka qaadistiisa. Tixraaca xogta https://www.youtube.com/watch?v=4HP1Za8-xJ8
5 Arabsiyo news (October 3, 2018); Somaliland: Xisbiyada oo kulan ka yeeshay hawlaha doorashada. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=vF1_cN_F5_I
dib u dhacdona aanay wakhti badan dib u dhacaynin kaas oo aan ka badnayn bi lama laba bilood maadaama wakhti badani uu lumay, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo la hadlay warbaahinta. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa u soo jeediyey labada Xisbi ee mucaarad inay xukuumadda kala shaqeeyaan sidii doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen, waxaana Xisbiga Kulmiye uu sheegay inay xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay diyaariyeen lacagtii iyo saaxaddii doorashada labadaba, iyada oo xukuumaddu bixisay qaybtii hore ee lacagta doorashada oo ay guddida doorashada ku wareejisay. Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaanay dhinacooda ka xidhmin wadahaladii u dhexeeyey labada dhinac. Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in aragtida ah in la kordhiyo guddida doorashada inay u taallo golaha baarlamaanka, oo ay tahay inuu ka go’aan gaadho tirada xubnaha guddida doorashada, ayna tahay marka hore in Xisbiyadu ay ku heshiiyaan soo jeedinta loo dirayo golaha wakiillada, welina ay tahay dood furan oo xilli walba laga wada hadli karo.
- October 04, 2018: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayey xaflad loo sameeyey musharax u tartami doona doorashada baarlamaanka, ayaa sheegay inaanay xukuumadda iyo golaha baarlamaanka ka muuqan diyaargarow ay ugu jiraan hawlaha doorashada. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay in haddii dawladdu ay doorasho qaban weydo, aan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golaha Baarlamaanku aanay fadhiyi doonin [kuraasta] taas bedelkeeda ay qaban doonaan shir beeleed, maadaama hannaankii xisbiyada la tixgelin waayey.7
- October 6, 2018: Jaamac Shabeel Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbigu xilka ka qaaday, ayaa subaxnimadii hore tegey xarunta dhexe ee Xisbiga, hase ahaatee wuxuu sheegay inay hor-istaageen ciidamada ammaanka oo la geeyey xarunta Xisbiga Kulmiye. Guddoomiyaha Xilka lagaga qaaday go’aanka guddida fulinta ayaa ku macneeyey inay tallaabadaasi tahay sharci-darro, wuxuuna dhinaciisa ku baaqay inuu dib ugu dhigay shirkii golaha dhexe ee uu ku baaqay, November 6, 2018. Xisbiga Kulmiye Ayaan weli hadal ka soo saarin shirarka uu ku baaqay Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye. 8
- October 6, 2018: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo waraysi gaar ah siiyey telefiishanka Bulsho TV, ayaa ka hadlay
6 Somali Cable (October 4, 2018); Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay go’aanka Xisbiyada Mucaaradka ah. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=f_SqGEBi2Kg
7 Horn Cable Tv (October 5, 2018);‘Haddii Doorasho la qaban waayo, shir beeleed ayaan qabanaynaa.’ Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=ljM3ODV28bQ
8 Eryal Somali Tv ( Oct 6, 2018); Jaamac Shabeel oo loo diiday Xarunta Xisbiga. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=d4Lt7oDmhxQ
doorashooyinka, wuxuuna soo hadal qaaday inay adag tahay in dal dagaal ku jira uu galo doorasho, xilli ciidamadii sugi lahaa ammaanka iyo hawlaha doorashooyinku ay ku maqan yihiin furimaha xiisaduhu ka jiraan, sidoo kalena wuxuu sheegay in weli lagu muransan yahay shuruucdii lagu soo dooran lahaa baarlamaanka oo beelaha qaarkood ay saluug ka qabaan habka saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaanay ka fursan doonin in la qabto shirweyne qaran oo lagaga tashanayo saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ee ku dhex jira shuruucda lagu soo dooranayo baarlamaanka. Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayey in muranada jira ay keeni karaan dib u dhac ku yimaadda doorashada ayaa sheegay “… maxay [muranada xisbiyadu] u sababi wayday, axsaabtu, kuwa doorashada gelayaa waa iyaga, kuwa la soo dooranayaana waa iyaga, hadday iyagu muran ka bixi waayaan, dee doorasho sidee loo qaban…” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Arrinta muranku ka taagan yahay ee guddida doorashooyinka, ayaa guddoomiye Saleebaan wuxuu sheegay in aanu aaminsanayn in kala diro guddida doorashada, isla markaana inaanu ogayn hawl ay ka gaabiyeen guddida doorashada oo ay ku fashilmeen, wuxuuna dhinaciisa sheegay in xisbiga ka cabanaya guddida doorashadu inuu soo bedesho xubintiisa. 9
MOWQIFYADA AY XISBIYADU KA TAAGAN YIHIIN GUDDIDA DOORASHADA
Xisbiga Waddani ayaa tabasho ka muujinaya guddida doorashada, waxaana mowqifkoodu yahay in la kala diro.
Xisbiga UCID ayaa isagu qaba in xoogga la saaro in la kordhiyo tirada guddida doorashada, oo laga dhigo sagaal xubnood. Sidoo kalena wuxuu sheegay Xisbiga UCID inay sameeyeen dedaal la isugu soo dhoweynayo labada xisbi ee kale.
Xisbiga Kulmiye ayaa isagu aaminsan in Guddida Doorashadu ay dhamaystaan wakhtiga sharcigu siiyey oo ah illaa bisha October 2019, sidoo kale Xisbiga Kulmiye masoo dhoweyn in la kordhiyo tirada guddida doorashada.
Guurtida oo sharcigu siinayo inay soo xulaan laba xubnood oo ka mida guddida doorashada ayaa sheegay inaanay haynin hawl guddida doorashadu ka gaabiyeen, ayna qabaan in Xisbiga Tabashada ka muujinaya guddida doorashadu inay soo bedeshaan xubintooda.
9 Bulsho TV (October 6, 2018); Waraysi gaar ah oo lala yeeshay Guddoomiyaha Guurtida. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=WY9KVIB9QWE
Waxaa muuqata in labada Xisbi Mucaarad ay ka midaysan yihiin aragtida la xidhiidha in la kordhiyo guddida doorashada, oo laga dhigo sagaal xubnood, sidoo kalena wax laga bedelo habka loo soo xulo guddida doorashada. Waxaa xusid mudan in xilligii uu Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa iyo Xisbiga UCID ay ka dalbadeed xukuumaddii UDUB in la kordhiyo tirada guddida doorashada, hase ahaatee Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in xilligii Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa in marwalba caqabadda ka hor imanaysay ay ahayd dhinaca sharciga, haatanna wuxuu doodda arrintaas la xidhiidha u riixay dhinaca Baarlamaanka oo uu sheegay inay tahay inay ka go’aan gaadhaan.
XISBIGA KULMIYE IYO XIL KA QAADISTA UU SAMEEYEY
Ka hor inta aan xilka laga qaadin Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, waxaa jirtay inuu marar kala duwan la hadlay warbaahinta isaga oo xilliyada qaarkood ka soo horjeestay tallaabooyin ay xukuumaddu qaadday ama qayb ka ahayd, sida Xeerka Kufsiga oo golayaasha sharci-dejintu ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay, oo uu guddoomiyuhu si adag uga horyimi, kuna dhaleeceeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tallaabada uu qaaday ee uu ku saxeexay xeerkaas. Sidoo kale waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Guddoomiye Jaamac Shabeel iyo Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid kuwaas oo hadalo warbaahinta isu mariyey ka hor intii aan xilka laga qaadin guddoomiyaha golaha dhexe, waxaana Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid uu sheegay in Jaamac Shabeel Guddoomiyaha Golaha dhexe, inaanu ku hadli Karin afka Xisbiga, halka Jaamac Shabeel uu arrintaas ka soo horjeestay oo sheegay inuu marwalba ku hadli doono afka xisbiga.
July 9, 2018 oo la hadlay telefiishanka Bulsho TV ayaa dhaliilay Wasiirada uu soo magcaabay madaxweyne Muuse Biixi isaga oo sheegay inuu xukuumadda kula xisaabtami doonaan barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbigu doorashada ku galay. 10
10 Arabsiyo News (July 9, 2018) Jaamac Shabeel oo ka hadlay xubnaha golaha wasiirada. Tixraaca Xogta. https://www.youtube.com/watch?v=iTWBu8ES6gg; Eryal Somali Tv (September 27, 2018); Jaamac Shabeel oo u jawaabay Xoghayaha Xisbiga. Tixraaca Xogta https://www.youtube.com/watch?v=1lJu4vAH2lk
TALO-SOO JEEDIN
Waxaan ugu baaqaynaa Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran inay la yimaaddaan xal dhexe oo lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha dhextaalla ee la xidhiidha hawlaha doorashada gaar ahaan arrinta guddida doorashada, waxaanna si gaar ah ugu baaqaynaa labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani inay la yimaadaan isu-tanaasul iyo xal dhexe, si doorashooyinku ay ugu qabsoomaan xilligii loo asteeyey.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu door dhexdhexaadin ah ka qaatay isu-soo dhoweynta labada Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani, Xarunta CPA arrintaas way ku ammaanaysaa, waxaanna ugu baaqaynaa masuuliyiinta saddexda xisbi u metelaya wadahadalada hawlaha doorashada, inay la yimaaddaan isu-tanaasul si horumar looga sameeyo hawlaha doorashada oo wakhtiga hadhay aad u kooban yahay.
Waxaan ugu baaqaynaa dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka gacansiiya geeddi socodka dimoqraadiyadda, inay u soo jeestaan hawlaha doorashooyinka Somaliland, taas oo dardargelin karta diyaargarowga doorashooyinka, waxaana haatan dhinaca beesha caalamka ka muuqda niyad-jab weyn, hase ahaatee haddii gacmaha laga laabto doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan, gaar ahaan taageeradii loo fidin jiray ee dhinaca dhaqalaha iyo farsamada, waxaa imanaya culays badan oo ku iman kara hawlaha diyaargarowga doorashooyinka.
GEBA-GEBO
Xarunta CPA gaar ahaan xafiiska la socodka arrimaha doorashada, waxaa u muuqata inaan weli dhinacyadu heshiis ku ahayn qorshe doorasho oo loo dhan yahay, taasina ay horseedayso inay culays ku keento in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtiga loo asteeyey.
© Center for Policy Analysis, October 2018 Ku Saabsan CPA Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, iyo Xuquuqda Aadanaha. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Address Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland. Email: centerforpolicy.ed@gmail.com Web: www.centerforpolicy.net