Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa heshiis la saxeexday Wasiirka Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jabuuti Cabdi Yuusuf Suge.
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo khamiistii dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu Booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.
Waxay labada Wasiir kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo nuxurkiisu yahay in labada dawladood iska kaashadaan adeegyada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda.
Weftiga Wasiir Cabdiweli waxay booqdeen goobo kala duwan oo xidhiidh la leh shaqada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda sida xarumaha Boosaha Jabuuti iyo xarumaha isgaadhsiinta.