SOMALILAND: Komiishanka Doorashooyinka & Xisbiyada Siyaasadda Oo Isla Qaatay Wakhtiga Doorashooyinku Qabsoomayaan

0
18

Waxa la isku raacay In sagaal (9) Bilood Gudahood Lagu Qabto Doorashooyinka Wakiilladda Iyo Deegaanka

Hargaysa (Hubaal) Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Hoggaanka saddexda Xisbi ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankaa oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka mshalay, waxa xubnaha Komishanka ku weheliyay Axsaabta qaranka, waxaana kulankaa oo sida ay sheegeen Guddida Doorashooyinku lagaga wada hadlayey qabsoomida iyo dar-dargelinta doorashooyinka foolka inagu soo haya ee Golayaasha Baarlamanka iyo Dowladaha Hoose.

Labada Guddoomiye Xisbi ee WADDANI iyo UCID iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil kale oo socday xisbiyada, waxay xubnaha Komishanka kaga wada hadleen arrimaha carqalada ku ah sidii ay doorashooyinka oo marar baddan dib u dhaci ku yimi uga dhici lahaayeen dalka.

Balse kulankaa oo aannay warbaahintu goob-joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Komishanka oo warbaahinta loo qaybiyay lagu sheegay in ujeedada kulanku ahaa sidii ay axsaabta iyo Komishanku uga wada hadli lahaayeen carqalada hortaagan doorashooyinka iyo sidii looga wada hadli lahaa duruufaha ku xeeran.

Qoraalka Komishanka, ayaa lagu yidhi, “Komishanka doorashaooyinka qaranku, isagoo si madax-banaan u gudanaya waajibaadkiisa sharci ee ku xusan Xeer Lr.37/2007, Xeer Lr.20/2001 iyo Xeer Lr. 20-2/2005, waxa maanta oo taariikhdu tahay, 23/8/2020, komishanka doorashooyinka qaranku soo saaray Jadwalkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka isku sidkan ee GolayaashaWakiillada iyo Deegaanka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Komishanka, ayaa qoraalka ku sheegay in ay in muddo ah ku hawlanaayeen, kana baarraaandegayeen sidii loo heli lahaa diiwaangelinta iyo doorashooyin u qabsooma sida ugu suuragalsan, uguna hubsiimada baddan, waxayna sheegeen inuu komishanku fadhiyo wadatashi arrimahaa kala yeeshay xisbiyada qaranka.

Sidaa awgeed, waxay qoraalka ku sheegeen in Jadwalka diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinku ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah, sidan:-

“Qaybta 1aad, diyaar-garawga guud ee diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Qaybta 2aad, qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Qaybta 3aad, diyaarinta iyo qabashada doorashooyinka golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka oo isku sidkan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here