Somaliland: KULMIYE Oo Dhaliilo Iyo Eedo U Jeediyey Xubinta Ugu Sarreysa Golaha Wakiillada

0
8

“Cabdirisaaq Khaliif Uma Dhaqmayo Sidii Guddoomiye Gole Wakiillo Laakiin Wuxuu…..” afhayeenka xisbiga Kulmiye

 

Hargeysa (Hubaal) Afhayeenka xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa aad u dhaliilay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Afhayeenka Kulmiye oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa guddoomiyaha wakiillada ku eedeeyay inuu baalmaray, isla markaana ku tuntay haybaddii gudoomiyenimo ee golahu lahaa.

Mr Buuni waxa uu xusay guddoonkii kala duwanaa ee soo maray golaha wakiillada, oo uu tilmaamay in midkasta uu kulaha kaalin lama ilaawaan ah qaranka jamhuuriyadda Somaliland. “Golaha wakiillada Somaliland waxa soo maray guddoomiyeyaal ku suntan taariikhda qaranka jamhuuriyadda Somaliland, oo ninkastaaba uu kaalin lama ilaawaan ah uu soo gaadhsiiyay dalkan, isla markaana uu ku suntan yahay qarankan, iyagoo ilaalinayay karaamada iyo sharafta uu leeyahay guddoomiyenimada golaha. Maantana guddoomiyaha dhawaan golaha wakiilladu doorteen, waxa noo muuqata, inuu ku tuntay haybadii gudoomiyaha golaha wakiillada, iyadoo gudoomiyaha goluhu yahay odaygii saddexaad ee dalka, marka arrimo masiiri ahi ay yimaadaana ah baalasha uu ku duulayo qarankani. Waxaynu ognahay kaalmihii ay labada gole kasoo qaateen qaranimada.” Ayuu yidhi

Afhayeenka Kulmiye waxa uu soo taxay dhaliilo iyo goldaloolooyin ku gedaannaa kalfadhiyo uu guddoominayay Cabdirisaaq Khaliif oo goluhu yeeshay iyo dhacdooyin uu ku suntanaa fadhigii ugu horreeyay ee lagu dooranayay. Iyo qaybsanaan uu sheegay inay ka jirto golahaasi. “golaha qaybsan ee maanta qaybsan ee ay ka muuqato kalsooni darro badan oo ay ka qabaan hoggaamintaada, waxa weeyi inaad kalsooni siiso oo aad isku wado, haddii kale iyagaa ku doortay oo kaa xil gudanaya.” Ayuu yidhi afhayeen Buuni

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here