SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ku Dhawaaqay Dhaqaale Cusub Oo Xukuumadiisu u Qoondeysay La-dagaallanka Xanuunka Covid-19

0
12

“Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas.” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa,  (Hubaal) Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah oo dhan saddex melyan oo doolar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shalay shir jaraa’id qabtay, ayaa bulshada kala hadlay xanuunka halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19, “Innagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,” ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, “Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.”

Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, “Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer oo cilmiyeysan uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here