Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal ayaa maanta Daah-furay Madxaf loogu talo-galay in lagu soo bandhigo Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland caanka ku tahay, kaasi oo laga hirgeliyey gudaha xarunta Wasaaraddaasi.
Munaasibadda lagu daah-furay Madxafkan oo muhiim u ah dalxiisayaasha Somaliland yimaadda, ayaa waxa kale oo ka qayb-galay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Cabdillaahi Cukuse, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Maxamed Dhabbeeye iyo Ku xigeenka Madaxda Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda ciyaaraha, dhallinyarada iyo dalxiiska Somaliland.
Ku xigeenka Waaxda Dalxiiska ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mr. Shabeel oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey isla-markaana sharaxay muhiimadda Aataar Qadiim ah oo Madxafkaasi lagu soo bandhigay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhagaxaan qoran oo loo ekaysiiyey AADAME iyo waxyaabo kale oo aad u tiro badan, halka uu sidoo halkaa ku soo bandhigay meelaha gaar u ah dalxiisayaasha dalka yimaadda ee la geeyo.
“Sanadkii hore meelaha aanu dalxiisayaasha ugu talo-galay waxa tagey ilaa 800 qof oo dalxiisayaal ah, sanadkana waxa dhulkaa dalxiis ahaan u tagey ilaa 500 qof, waxaanuna ka qabanaa Dakhli, barnaamijkana waxa sameeyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha (Oo imika loo beddelay Wasaaradda dib u dejinta)…..” ayuu yidhi, Mr. Shabeel
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dalxiiska, Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madxafkani muhiim u yahay qaranka guud isla-markaana wax ka tarayo dalxiisayaasha Somaliland yimaadda, maadaama oo ay ku kaydsan yihiin Aataar Qadiim ah oo dhammaantood layaab leh.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isaguna amaanay hirgelinta Madxafkan “Wasiir (Cali Siciid Raygal) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaruhu waa labada masuul ee soo bandhigay Madxafka intaasi leeg intii wasaaraddu soo jirtay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Dalkeenana meel kale iska daaye, waxa Qaniya halkan aynu joogno (Wasaaradda Ciyaaraha) waayo waxaaba innala jooga Dhashii Hodan (Cilmi Boodhari Iyo Hodan)…”
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhallinyarada iyo dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal oo isagu soo gunaanaday Xafladdaasi ayaa yidhi “Qorshaha xukuumaddu waxa weeyaan in Madxafyada noocan ah la ballaadhiyo oo la sii waddo haddii ILAAHAY yidhaahdo. Aniga waa la iga beddelay Wasaaradda Ciyaaraha, laakiin Wasaaradaha Somaliland iyo qaranku waa isku mid, qof walbana halka loo beddelo ama loo dhiibo ayuu xil ka saaran yahay inuu si daacad ah oo sharaf leh uga shaqeeyo”
source:Dhamays
DAAWO MUUQAALKA