Somaliland: “Marnaba Aqbalimayno In Hawadeena Laga Maamulo Soomaaliya”

0
154

Maareeye Rodol oo sheegay inay Soomaaliya ka baxday Heshiisyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya

 

Hargeysa (Hubaal)-Maareeyaha Xafiiska Duulista Hawada iyo Maamulka Madaarada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, iyadoo ay socoto Xaflada ay Somaliya kula wareegtay Maamulka Hawada, ayaa sheegay in Dawladda Somaaliya ay ka baxday Heshiisyadii ka duwanaa ee ay labada dhinac ka gaadheen arrinta Maamulka Hawada, waxaanu intaa Ku daray inaanay aqbali doonin in Hawada Somaliland laga maamulo dal kale oo aan ahayn Somaliland.

Cabdi Maxamed Rodol oo la waydiiyey waxa ay yeelayso Dawladda Somaliland haddiiba Somaliya sidaa kula wareegtay Maamulka Hawada wixii laysku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland Ku jirto ayaa ku jawaabay.”waxaan rajjeynaynaa inay Soomaaliya ku soo noqdaan Saaxada wadahadalka oo heshiis laga gaadho”

Daawo:

Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa hore heshiisyo kala duwan oo qayb ka ahaa natiijooyinki ka soo baxay Wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac saddexdii sannadood u dambeeyey, uga gaadhay arrinta Maamulka Hawada. Hase ahaatee Heshiisyadaasi ayaan u dhaqan-gelin sidii lagu kala saxeexday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here