SOMALILAND: Maxkamad Xukuntay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay

0
14

Hargeysa (Hubaal) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ka mid ahaa Macalimiinta Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ayaa Maxkamaddu ku xukuntay laba sanadood iyo Lix Bilood oo xadhiga ah, sida ay Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee xukumay.

Muwaadinkan Xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka, ka dib markii uu Qoraallo Aflagaado ku ah Diinta ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, sida Facebook.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi), ayaa sannadkiii 2012-kii ka mid ahaa Musharraxiintii ka qayb-galay doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo wakhtigaa iska soo sharraxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, inkasta oo aanu doorashadaa ku soo bixin ama ku guulaysanin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here