Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Ah Guddoomiyihii Wargeysyada Haatuf & Somalilandtimes Ayaa Xukuumadda Ku Boggaadiyey Tallaabada Ay Ku Xayirtay Telefishenka Universal
Hargeysa (Hubaal) Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ah Suxufiyiinta ruug-caddaaga ah ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyay isla markaana xukuumadda ku taageeray xayiraada ay saartay Telefishanka Universal, oo iska indho tiray inuu u hogaansamo shuruucda dalka.
Suxufiga caanka ah ee Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo ah mulkiilaha wargeyskii Haatuf, waxa uu xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey talaabada ay ka qaaday xayiraada telefishanka Universal, isaga oo intaas ku daray in madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maalba leh, isla markaana ayn dhayal ku imanin, wuxuuna tilmaamay in Telefishanka Universal faragelin arrimo deelqaafa ku hayay Somaliland oo xadgudub ku ah madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu tilmaamay in xukuumadda la dhaliili karo, balse qadiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay lama taabtaan, warbaahinta Somalilandna uu waajib ka saaran yahay difaacida qadiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Geesta kale, shacbiga Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka ay xukuumaddu ka ku xayirtay Telefishanka Universal, oo ay sheegeen inuu caadaystay inuu Somaliland arrimaheeda masiiriga ah farageliyo.