Somaliland Oo Canbaareysay Tacadiyada Lagu Hayo Dadka Rohingya

0
142

Hargeysa (Hubaal) Dawladda Somaliland ayaa canbaaraysay qaabka ay xukuumadda Myanmar ula dhaqmayso Muslimiinta Rohingya. War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya. War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaadho dadka u baahan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobe in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.

Hadalka madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar.

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaadheen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here