Hargaysa(Hubaal):- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Si Weyn Looga Xusay Maalinta Qoraaalka Afka Somaliga Oo Ku Beegan 21.02.2014.
Xafladan Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaarada Warfaafinta DHaqanka Iyo Waciyi Galinta Somaliland Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacdey Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargaysa Waxaana Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdilaasi Daahir Cukuse, Wasiirka Wasaarad Wax-barshada Samsam Cabdi Aadan ,Abwaano ,Fanaanin ,Wax Garad,Qoraayo Iyo Masuul Kale Oo Ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta.
Munaasibadan Oo Aheyd Mid Meeqaamkeedu Sareeyey Ayaa Waxaa Ugu Horen Ka Hadlay Isla Markaana Madasha Martida Ku Soo Dhaweeyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan Ilka Case Waxana Uu Tilmaamay In Uu Soo Dhaweenayo Dhamanba Martida Ka Soo Qeyb Gashay Xuska Maalinta Afka Somaliga .
Sidoo Kale Waxaa Isna Madasha Ka Hadlay Hadlo Badan Oo Soo Dhaween U Badan Ka Yidhi Madasha Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Waci Galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Waxaana Uu Sheegay Wasiirku In Ay Haboon Tahay In Aynu Gacan Qabani Cid Kasta Oo Ku Hawlan In Ay Ilaaliso Isla Markaana Dib Mushtamaca Ugu Soo Celiso Qiimii Uu Lahaa Afkeena Somaaligu Waxana Uu Yidhi “Waxaa Aynu Isku Deyi Doonaa Inaga Iyo Ururada Ku Mashquulsan Hawashaasi Ee Doonaya In Ay Ka Adeegan Baahida Loo Qabo Afka Somaliga In Aynu Gacan Qabano Isla Markaana Ay Yaguna Dib U Soo Celiyaan Afkii Somaliga “ Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Waci Galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.
Ugu Danbeetii Waxaa Munaasibadaasi ka Hadlay Isla Markaana Bulshada Ku Booriyey In Ay Ka Shaqeeyaan Sidii Ay Afka Somaliga U Dar Yeeli Lahaayen Qof Kasta Oo Somali Ahna Uu Xil Ka Saaran Yahay Ilaalinta Afkeena Hooyo Ee Somaliga Waxana Uu Yidhi ““Waxaa Maanta Dhamaanteen Farxad Inoo Ah In Aynu Xusno Maalintii Afkeena Hooyo Ee Somaliga Ah La Qoray Isla Markaana Maanta Aynu Iskugu Nimid Sidii Afkeena Hooyo Loo Ilaalin Lahaa Isla Markaana Loo Sii Hori Marin Lahaa Waxana Aan Mahad Naq U Dirayaa Wasaarada Warfaafinta DHaqanka Iyo Waci Galinta Somaliland Oo Munaasibadan Soo Qaban Qaabisay
Umud Waliba Waxaa Ay Ku Faanta Afkeeda Hooyo Iyo Dhaqankeeda Iyo Diinteeda Waxaana Marka Hore Mahad Leh Cidii Qortay Afkeena Hooyo Oo Aan Leeyahay Intii Dhimteyna Ilahay Ha U Naxriisto Intii Kalna Ilaahay Ha Ilaaliyee Waxaana Aan Jecelahay In Aan Halkan Idiinka Cadeeyo In Cid Kasta Afkeena Ilaalintiisa Waajib Ka Saaran Yahay “ Ayuu Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdirmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici