“Dadka xirfadaha leh waxaynu ka keenaa dalalka dibada, markaa waxaanu doonaynaa inaanu dhaqankaa bedelno, oo ardeyda kuliyadan ka qalin-jabisaa xirfadahooda dalka gudihiisa iyo dibadiisa-ba ka shaqeeyaan” Maamulaha Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin
Hargeysa(Hubaal):-Maamulaha Kulliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay nooca cuntooyinka caalamiga ah ee kuliyadan lagu baran doono, iyo weliba kaalinta koboca dhaaqalaha dalka ka qaadan doonto .
Maamulaha Kulliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin ayaa waxa uu iclaamiyay wakhtiga la furayo Kuliyadan, waxaanu yidhi “Waxaan bishan 28/2/2015 bilaabaynaa Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction, oo ah kuliyadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga sameeyo, waxa yaala qalab casriya, waxaanu doonaynaa inaanu dhaqanka markii hore Somaliland wax loo baran-jirey ka bedelno.”
Maamulaha Kulliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin oo ka hadlayay waxyaabaha kala duwan ee kuliyadan lagu baran doono ayaa waxa uu yidhi “Kuliyaddan waxaanu keenay qalab casriya,waxaana lagu baran doona Sida loo maamulo Hudheelada Caalamiga, oo cidii ka soo baxda inay caalamka la jaanqaadaan,Waxa Kale oo lagu baran doona sida loo diyaariyo cuntada diyaaradaha, Waxa kale oo lagu baran doona Nadaafada hudheelada waa-weyn ee Caalamiga, waxa kale oo lagu baran doona mar-tigelinta iyo maamulka hudheelada oo heer caalamiya iyo arrimo kale oo baddan”.
“Kulliyadani way ka duwan tahay Jaamacadaha Somaliland ka dhisan waxaana wax lagu baranayaa wakhti kooban, waxaanu ardeyda baraynaa waxbarasho tayo leh, waxaanu Kuliyadan keenay macalin Ajanebiya iyo khubaro aanu ka keenay dibada,kuwaas oo ku xeel-dheer cunto karinta iyo maamulka iyo martigelinta hudheelada caalamiga (Hospitality). Waxa kale oo aanu kulliyadan dadka ku baraynaa xirfado ay ku shaqeystaan si degdega. Waxaanu doonaynaa ardeyda ka soo qalin-jabisa Kuliyadan inay kobcinta dhaqaalaha qeyb laxaad leh ka qaataan, waxa kale oo aanu doonaynaa ardeyda halkan ka qalinjabisa inay markiiba shaqooyin ka helaan dalka iyo dibadiisaba. Wejiga labaad waxaanu Kuliyadan ardeyda ku baraynaa dhamaan dhismayasha oodhan, haday noqoto Biyogelinta iyo waxyaabaha kale oo dhan “.Ayuu yidhi Cumar Kaahin.
“Dadka xirfadaha leh waxaynu ka keenaa dalalka dibada, markaa waxaanu doonaynaa inaanu dhaqankaa bedelno, oo ardeyda kuliyadan ka qalin-jabisaa xirfadahooda dalka gudihiisa iyo dibadiisa-ba ka shaqeeyaan oo lacag baddan oo dibada inaga tagi jirtay ay inoo nagaado. “
Cumar Kaahi waxa uu ku dooday inay Kuliyadani qeyb laxaad leh ka qaadan doonto shaqo abuurka dalka, waxaanu yidhi “Kulliyadani dhinaca shaqo abuurka xoog ayay wax uga tareysa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, oo waxaanu soo saareynaa ardey tayo leh oo taqaana martigelinta iyo maamulka hudheelaa Caalamiga, Cunto karinta heer caalami iyo arrimo kale oo baddan. Waxaanu doonaynaa inaanu qeyb ka noqono dhaqaale kobcinta dalka, waxaynu doonaynaa inaanu soo saarno dadk xirfad-yahana oo aynu kaga maarano dadkii aynu dibada ka soo kaxaysan jirnay”.
Isaga oo hadalkiis sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu Kuliyadan keenay qalab casriya oo heer caalamiya oo ah Kijo, taas oo aanu doonayno inay ardeydu aqoon ahaan iyo farsamo ahaan wax u baran doonaan. Waxaanay kuliyadani u badnaan doonta 60% (Boqolkiiba lixdan) Practical.”
“Jaamacada Golis University waxa naga dhaxayn doona xidhiidh wada-shaqeynayd oo toosa….. Kuliyadan waxa wax ku baran doona ardeyda Dugsiyada sare ka soo qalin-jabisa, iyo Hablaha oo kaalin weyn oo laxaad leh aan ka siinayno kuliyadan iyo ardeyda Jaamacadaha dhameystay ee aan xirfad lahayn si aanu xirfad u barno ay markiiba ku shaqo tagaan. Waxa kale oo aanu ardeyda bari doona English-ka iyo Carabi-ga”.Ayuu yidhi Cumar Kaahin.
Hadaba, LINKS-GAN HOOSE GUJI OO KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=SFVvZQD3ubY