Madaxweyneyaasha talada hayaa, sannadkani wuu u qaalibnaa oo waxay cusboonaysiiyeen……..”
Hargeysa(Hubaal)- Warbixin lagu daabacay Isniintii (18 December 2017), mareegta African News, ayaa lagu falanqeeyay doorashooyinkii madaxtinimada ee sannadkan sii galbanaya 2017 ka dhacay qaarada Afrika oo ay ku jireen dalal ay ka mid ahaayeen Rwanda, Kenya, Angola, Somaliland iyo Liberia oo wareegii u dambeeyay lagu wado in bishan dhammaadkeeda lagu kala baxo.
African News, waxay faahfaahisay in sannadkani qaaarada Afrika uga dhignaa mid wanaagsan marka laga eego doorashooyinkii ka qabsoomay dalalka qaaradda.
Warbixintan waxa aad loogu ammaanay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii November, oo ay ku sifeeyeen mid xor ah oo u dhacday hanaan taariikhi ah. Weriye Cumar Maxamed Faarax oo warbixintan soo akhriyay ayaa warkan ka diyaariyay:- “Wararka waaweyn ee qaaradda Afrika, waxaa sannadkan 2017 ka mid ahaa, doorashooyinka madaxtooyada oo ka qabsoomay afar dal. Marka laga reebo Doorashadii madaxtinimada Liberia oo la sugayo saddexdii kale waa la soo gabogabeeyay oo ciddii ku guulaysatayna waa la dhaariyey. Madaxweyneyaasha talada haya, sannadkani wuu u qaalibnaa oo waxay cusboonaysiiyeen muddo xileedkoodii, sida Rwanda iyo Kenya .
Angola:
Madaxtooyada Angola ayaa loo doortay weji cusub, kadib iscasilaadii madaxweyne Eduardo dos Santos oo muddo dheer talada hayey. Xisbal-xaakimka MPLA ayaa ku guulaystay doorashada, waxaana majaraha u qabtay wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga, Joao Lourenco, oo beddelay Mr. dos Santos.
Sannadkii 2016kii madaxweynaha Angola, Jose Eduardo Dos Santos, ayaa shaaciyey inaanu mar dambe doonaynin inuu isa soo sharraxo. Waxaa cajiib noqotay in madaxweynihii 63 jirka ahaa ee xukunka hayey 37 sannadood oo ah mid ka mid ah madaxweyneyaasha Afrika ugu muddada dheeraa uu sannadkan banneeyey xafiiska doorashadii qabsoontay 23kii August 2017.
Madaxweynaha cusub ee Angola, Joao Lourenco, waxa xilka loo dhaariyey 26 September ee sannadkan, iyadoo ay ka qaybgaleen caleemo saarkiisii in badan oo ka mid ah madaxda Afrika.
Liberia:
Dalka Liberia waxa uu beddelayaa gabadhii u horreysay ee Afrika ee madaxweyne noqotay, Ellen Sirleaf Johnson, oo la doortay 2006dii, waxaana beesha caalamku xiligaas ku bogaadiyeen talaabadaas taariikhiga ahayd iyadoo loo arkayey inay dalka wax ka beddeli doonto oo ay ka saari doonto dagaaladii sokeeye ee soo noqnoqday muddadii u dhexaysay 1989 ilaa 2003dii.
Kadib markii ay labadii muddo xileed ee dastuuriga ahaa dhammaysatay , way ka hadhay tartankii, iyadoo dadka reer Liberia ay aaminsan yihiin in wax badani aanay iska beddelin noloshoodii, waxana saaxada u soo baxay dhawr murrashax oo u tartamay madaxtinimada dalkaas.
Murrashaxiintan waxa ugu cadcad ciyaaryahankii xiddiga ahaa Mr. George Weah, oo kalkii labaad u tartamaya madaxtinimada, markii lagaga adkaaday doorashadii dhacday 2005. Waxa kaloo kula loolamaya madaxweyne ku-xigeenka dalka, Joseph Boakai oo u tartamaya xisbal-xaakimka.
Guddida doorashooyinka ayaa sheegay inay wareega u dambeeya ee doorashada ay qaban doonaan 26-ka Bishan December. Waxaana jiray khilaaf ka dhashay doorashadan.
Doorashadii Somaliland:
Bishii November ee sannadkan, 704, 089 codbixiye, ayaa ka qaybgalay doorashadii saddexaad ee madaxtooyada dalkan dadkiisu afarta milyan ee qof yahay.
Doorashadan waxa ku tartamay Muuse Biixi Cabdi oo u metalayay xisbal-xaakimka KULMIYE, siyaasiga ruug-cadaaga ah ee Faysal Cali Waraabe oo ka socday xisbiga UCID iyo Guddoomiyihii hore ee Wakiillada. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo calanka u siday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
21kii November, waxa Guddida doorashooyinku ku dhawaaqeen in Muuse Biixi Cabdi, uu ku guulaystay doorashadii oo uu helay 55.1% codadkii la dhiibtay, halka murrashixii la loolamayey ee Cabdiraxmaan Cirro uu helay 40.7%, Faysal Cali Waraabe ayaa isna ay u coddeeyeen 4.7%.
Doorashadii Somaliland waxay ahayd tii ugu horreysay loo adeegsaday farsamada casriga ah diwaangelintii codbixiyeyaasha (Iris recognition technology) si looga fogaado wax is daba marin, inkastoo murrashaxiintii laga guulaystay cabashadaas qabaan.
13kii bishan December ayaa la dhaariyay madaxweynaha cusub Muuse Biixi, oo beddelay Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan u tartamin muddo xileedkii labaad.
Somaliland waxay qabatay doorashooyin madaxtinimo sannadihii 2003 iyo 2010. Waxa kaloo ka qabsoomay doorashadii baarlamaanka 2005.doorashadii 2017 waxa lagu qeexay inay ahayd doorashadii u horraysay ee xor ah ee sannado badan ka dhacda Geeska Afrika.”