AKHRI: Shirkadda Dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee Q-unit Medical Group Oo markii u horaysay Somaliland Keentay Dawooyinka Dhiig Joojinta Oo Aan Hore Loogu Isticmaalin Dalka Gudihiisa
HEMOSTATIC POWDER: Somaliland Oo Markii U Horreysay La Keennay Dawooyin Budo Ah Oo U Gaar Ah Dhiig-Joojinta Iyo Qalliinnada Guud
Hargeysa (Hubaal)- Shirkada Dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee Q-unit Medical Group ayaa markii ugu horaysay Keentay Magaalada Hargeysa Dawooyinka Dhiig Joojinta oo aan hore dalka loo keenin, laguna isticmaalin dalka gudahiisa hadda ka hor.Dr. Mustafe Cumar Yuusuf oo Isagu ah Maamulaha shirkada Q-unit medical group oo Sharraxaad ka bixinaya waxtarka Dawadan iyo faaiidada ay u leedahay Bulshada waxa uu yidhi “Dawaadani oo magaceeda la idhaah (hemostatic powder ) waa dawo aad ugu muhiim ah in loo isticmaalo xaaladaha caafimaad sida , QALIIMADA GUUD ,DHIIG-BAXA ,QALIINKA FUDUD, iwm , sidoo kale dawadani waxa ay aad muhiim u tahay isticmaalka xaaladaha degdeg ah tusaale ahaan qof shil galay ama aad u dhiig baxaya iyo qaliimada culus sida qaliinka hooyooyinka uurka leh (C-section ) . waxay dawadani leedahay falgal degdeg ah oo suurto galinaya in dhiigu ku joogsado wax ka yar 2 mirir iyo in boogtii nabarka ee qaliinka lagu sameeyay ay noqoto meel muuqaalkeedu saafi yahay oo aanay ka muuqan wax dhiiga oo dibada u soo baxaya .
Dr-Mustafe Oo isagu ah dictoor wax ka soo bartay wadanka dibadaasa aqoona u leh daawodan nooceeda isago sii wada sharaxadii iyo adeegsiga iyo waliba faai’dooyinka ay leedahay dawadani ayaa wuxu intaas ku sii daray ” dawadani run ahaantii aad baa ay u fara badan tahay faai’dooyinkoodu waxana mar walba muhiim ah in loo isticmaalo nooc kasta oo qaliin ah si ay looga hor tago dhiig baxa , faai’dooyinka dawadani haddi aan sii wado waxa ka mid in ay yareeyso isticmaalkii badana ee transfusionka muddo yarna uu ku bogsado nabarkii ama nabarkii qaliinka lagu sameeyay (wound healing time ) iyo in gabi ahaanba uu qofkii bukaan ahaa muddo yar gudaheed uu ka soo reeyo nabarkii .
”’Run ahaantii faai’dooyinka ku jirra ama leedahay dawadani budada ah (powder) waa ay fara badan yihiin markaas waxaan kula talin lahaa dhamaan goobaha caafimaadka iyo bahda caafimaadka ee dalka gudahiisa in ay u isticmaalan dawadani bukaanada si ay u yaraato hawsha ama hoos loogu dhigo khatarta ka dhalan karta qaliimada iyo xaaladaha degdega ”
Dawooyinkan oo ahaa kuwo ay aad bulshadu ugu baahnayd isla markaana dadku inta badan aad ugu dhiman jireen marka ay waayaan dawooyinka dhiig joojinta, waxa ay shirkadani oo hore balan ugu qaaday dhamaan bulshada reer somaliland gaar ahaan bahda caafimaadka in ay dalka keeni doonto daawooyin iyo qalab caafimaad oo tayodoodu aad u sarayso hase ahaate aan horena u yaalin dalka gudahiisa
Haddaba wixii faahfaahin intaas dheer fadlan kala xidhiidh ciwaanada iyo tilifonada hoos ku qoran ..
- Email:Q.unitm@gmail.com
- Contacts:+252633226127/0634142009.
- Contact Person:Dr-Mustafe O.Yousuf.
- Daawada Dhiig-Joojinta Degdega ah.