SOMALILAND Oo Markii U Horreysay Laga Hirgelinayo Nidaamka E-Government oo ah Barnaamij Adeegga Dawladda U Beddelaya Habka Horumarsan Ee Tignoolajiyadda Casriga Ah

0
1401

Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Shalay ay Yeesheen Golaha Wasiirrada, Ku Soo Bandhigtay Nidaamka E-Government Oo Markii U Horraysay Laga Hirgelinayo Dalka

Hargeysa (Hubaal) – Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa shalay oo sabti ahayd yeeshay Shir aan Caadi ahayn, kaasi oo lagu gorfeeyay hirgelinta Nidaamka nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ka dib markii uu dhamaaday, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan “Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,  ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaado horumarka Tiknoolajiyadda, waxaana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka  haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta bad-qabka xogta dawladda iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhi doonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay.

Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana  nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo  waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII)…”

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here