Somaliland Oo Sababo Dhaqaale Darteed ugu Joojisay Dadka Kasoo Qaxaya Qul-qulatooyinka Yemen

0
56

 “Nasiib-Darro Waxay  Hay’adihii Ka Gaabsadeen Inay Dadkaas Noloshooda Kafaallo Qaadaan  Iyagoo Usibir Saaraya Inaanay…..”warancade

Hargeysa: (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay shaacisay inay joojisay Soomaalidii qaxootiga ahayd ee Waddanka Yemen kasoo cararaysay, kuwaas oo muddooyinkan dambe si joogto ah Uga soo degeyey Dekedda Berbera, iyadoo sababtana lagu sheegay inay Hay’adihii arrimaha Qaxootiga ku shaqada lahaa ka gaabsadeen inay taakulo geystaan.  Shir jaraa’id oo ay maalintii shalay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha  iyo Dib-u-dejintu ku qabteen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa lagu shaaciyey in Go’aan xukuumadeed lagu joojiyey qaxootigii ka iman jirey Dalka yemen, gaar ahaan dadka soomaalida ah oo iyagu si xawli ah usoo degaya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu saxaafadda la Hadlay ayaa sheegay inaan qaxooti dambe oo   ka yimi waddanka colaaduhu ka jiraan ee Yemen aanu kasoo degi doonin Somaliland, isagoo Hay’adaha gargaarka Bixiya ku canaantay inay gaabis ka muujiyeen Caawinta dadkaas tabaalaysan. Wasiir Warancadde oo ku dheeraaday wanaag uu sheegay inay somaliland u gashay dadka qaxootiga  ah, ayaa sidoo kale sharraxay sababta keentay in xukuumaddiisu ay go’aanka Bani’aadamnida ka dhanka ah qaadato,

“waxan halkan maanta Bulshada caalamka uga sheegaynaa  iyadoo aad la socotaan in Dawladda Somaliland ay gacmo furan ugu soo dhaweysay Dekedeheena iyo madaaradeena, maanta ay dalkeena joogaan Tiro saddex kun ka badan oo dadkii yemen kasoo qaxay kamid ah. Nasiib-darro waxanu ka xunnahay inaanu halkan ka sheegno in Dunida marka qax ka dhaco waxa u gurmada Hay’adaha, gaar ahaan kuwa Arrimaha Bani’aadamnimada ka shaqeeya, waxase soo baxday in Hay’adihii ka gaabsadeen kana joogsadeen inay dadkaas masaakiinta ah quudiyaan, kaamam lagu hayana u sameeyaan, wax siiyaan oo Noloshooda kafaalo qaadaan, iyagoo usibir saaraya in Dadka reer Somalia aanay oggolayn inay wax siiyaan.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in joojintoodu ku xidhan tahay maqnaanshaha doorkii Hay’adaha gargaarka, waxana uu intaas ku daray inay Gebi ahaanba Mamnuuceen dadka somalida ah ee Yemen ka imanaya, waxana uu yidhi,

“Dawladda Somaliland waa Dawlad yar oo aan aqoonsi haysan. Intii horena annagaa la kacaa kufnay, kuwa dambe ee soo socdaana waa naga xoog badan, yihiin, sidaas awgeed caalamka waxanu u sheegaynaa inta aanu ka helayno caawimo xagga nadabgelyada ah oo aanu dunida  ka helno iyo inta loo helayo dadkaasi waxa ay quutaan, laga bilaabo maanta waxanu joojinay Dadkii ka imanayey Yemen. Inta Hawlahaas laga xallinayona waxanu joojinay dadkii reer Somalia ee ka imanayey yemen Dekeduhuna ay ka xidhan yihiin.”

Wasiirku waxa uu  tilmaamay in dadka jinsiyadaha kale ee aan Soomaallida ahayn ay Hay’aduhu oggol yihiin, balse somalida ay diidan yihiin,

“ Hay’adihii waxay iska soo taageen inay gaadhsiiyaan Meelihii ay u socdeen, Hay’adahaasina dadka Ethiopian-ka, ama Yementa ah way ogol yihiin inay wax siiyaan, laakiin dadkii soomaalida ahaa ayey diideen.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Mudane Waran-cadde waxa uu hoosta ka xarrriiqay in ka hor intii aan qaxootigu waddanka iman, ay Xukuumadda iyo Hay’aduhu isku waafaqeen in dadkaas wax loo qaban doono, balse markii dambe uu isbeddel dhacay, waxana uu yidhi,

“Markii hore annaga iyo Hay’aduhu waanu isku raacnay in dadkaas xeryo loo sameeyo oo ay wax siin doonaan, innana nabadgelyadooda iyo dhulka aynu bixino, laakiin waxay gaabsadeen markii dadkii ay soomaali u bateen.” Somaliland ayaa waxa ay kamid tahay dalalka ay nafta kula eerteen dadka dhibaatadu kasoo gaadhay waddanka Yemen, waxana Shalay oo ugu dambaysay Dekedda Berbera kasoo degay Tiro badan oo dadkaas kamid ah, kuwas oo ku  biiraya Saddex kun iyo dheeraad qof oo soomali u badan oo hore Somaliland usoo gaadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here