Cabdicasiis Maxamed Samaale waa siyaasi si weyn looga yaqaan Somaliland, waxa uu ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye ee talada haya, waxa uu muddo dheer ka tirsanaa golaha Wakiilada ee Somaliland, sanadkii 2005 ayuu noqdey Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Somaliland. Sanadkii 2012 ayaa Madaxweynaha Somaliland u magacaabey Wasiirka Maaliyadda kadib markii uu xilka ka qaadey Maxamed Xaashi Cilmi.
Cabdicasiis Samaale oo la sheego in uu yahay nin markiisi hore bartey diinta, ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse ee cududa ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaana la dhihi karaa doorashadii 2010 waxay wacad iyo ballan wada galleen hoggaanka sare ee Kulmiye, waana midda keentey in Wasarado tayo leh Siilaanyo siiyo kuwaas oo ay qaarkood weli joogaan waxaana kamid ah: Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Waxbarashada iyo Xanaanada Xoolaha. Sidoo kale Siilaanyo waxa uu wareejiyey Hoggaankii Xisbiga Kulmiye oo u ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo isla beesha Sacad Muuse ka soo jeeda.
Wasiirkii xilka Maaliyadda baneeyey Cabdicasiis Samaale waxa uu noqdey horeyna u ahaa xubin muhim ah ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxa uu samaystey kooxo isaga ka daba xadreeya, waxa uu awood ku yeeshey golaha dhexe ee Xisbiga iyo kan fulinta waxaana damac ka galey in uu noqdo Musharaxa Xisbiga, doorashada aan waxba ka naasa-caddeyn ee Bisha Juun 2015.
Mar sii horeysey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu diidey in ay jirtey heshiis hore oo uu la galay Muuse Biixi ama cid kale oo ah in aanu mar labaad dib isu soo sharixin, waxaana uu hadalhayntaas ku tilmaamey dhalaan habaabis iyo been, waa markii ay socotey murankii isaga iyo Muuse Biixi.
Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isuna caleema saarey oo Mustafeystey in uu noqon doono Musharraxa Kulmiye waxaa loo adeegsadey Cabdicasiis Samaale oo ay jifo hoose wada yihiin, waxaa banaan laga dhigey Golihii Dhexe iyo Golihii Fulinta, waxaana isaga iyo Maxamed Kaahin noqdeen koox yar oo ilkaha laga siibey dhaqaalena aan haysan aqalkii xisbiga ka soo qayliya. Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi waxaa ganacsato ka soo jeeda beeshiisu damaciisi ahaa in uu Madaxweyne Siilaanyo kula loolamo xisbiga dhexdiisa cidda Musharax noqoneysa, isagana aan cidi kula loolamin guddoomiyaha Xisbiga, lamana yaqaan wax uu dhaafsadey arrintaas oo qarsoon. Biixi waxa uu mar kale saaxiib dhaw la noqdey Madaxweynaha, waxa uu marar badan ka soo muuqdey shirarkii Golaha Wasiirada isaga oo khudbado u jeedinayo kana hadlaaya mustaqbalka dalka maadama uu yahay hoggaamiyaha xisbul xaakimka, waxaana ardaaga Madaxweynaha ciriir ka dareemay Wasiirkii Maaliyadda ee horey geeska u geliyey Muuse Biixi.
Intas gogoldhig iyo hordhac iga dheh si aad sheekda danbe u fahamto
27 Feberaayo 2015 ayaa goor habeen-barkii ah Madaxtooyada Somaliland waxaa ka soo baxay isku-shaandheyn golaha Wasiirada taabatey. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu isu arkaayey in xagga Madaxweynaha uu ka Mustafeysan yahay ayaa seeftii qaadey laakiin toos looguma dhameyn ee Wasaarad kale oo culus ayaa loo magacaabey Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare Marwadii joogtey Wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan oo ay xigta yihiin isla markaana Marwada kowaad ee Somaliland saaxiib dhaw la ah ayaa loo soo wareejiyey Wasaaradda Maaliyadda taas oo ka dhigtey marwadii u horeysey ee Wasaaraddaas Wasiir ka noqota.
Shiikh Cabdicasiis Samaale waa uu ka cudur daartey waana iska casiley Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare, Samaale waxa uu saadaaliyey waxa soo socda, waxaana uu qaadan waayey qaabka wax loo maareeyey. Maanta oo taariikhdu tahay 7 Maarso ayuu xilkii wareejiyey waxaana uu ka sheekeyey sababta xilka looga qaadey oo Wasaaradd kale loo geeyey, Samaale ayaa saddex qiso oo qur’aanka ku soo aroorey u barbardhigey xilka kaaqdistiisi.
Qisada kowaad: Samaale ayaa inoo sheegey in xilka looga qaadey tuhun iyo war been ah oo loo geeyey Madaxweynaha, waxaana uu tusaale u soo qaatey, qisada Suuratul Xujaraat ku jirta, ninkii Zekada qoomka looga direy, ee inta uu ka yaabey in ay dilaan yiri Zekadii waa diideen oo markii ciidanka lagu saarey ay ka hor yimaadeen iyaga oo wada Zekadii, Aayadihii ku soo degey ee ahaa “Haddii mid faasiq ah war idiinla yimaado, caddeysta, si aydinaan ugu xadgudbin qolo aan wax dhib ahba geysan, kadibna aad ka shelaysaan wixii aad u geysateen”. Wasiir Samaale waxa uu tilmaamey in laga shalayn doono wixii dhacay.
Qisada labaad: Mar kale Samaale waxa uu soo daliishadey qiso kale oo cajiib ah, Waa nebi Yusuf (CS) aabihii Yacquub (CS) iyo walaalihiis tii dhexmartey, Waalaalihiis waxay aamineen in Aabahood Yacquub uu ka jecel yahay Yusuf, sidaas darteedna ay mudan tahay in la dilo,ama la fogeeyo si ay keli ugu noqdaan Aabahood wejigiisa, kadibna iyaga wax la weydiiyo!, kii u weynaa walaalihiis ayaa diidey oo yiri yeynaan dilin ee ceel aan ku ridno, si musaafiriin dalal kale u socdaa u helaan oo u qaataan!.
Wasiirkii Maaliyadda ee xilka baneeyey Samaale qisadan waxa uu ka wadaa in qolo Madaxweynaha dhegtiisa heshey ay u tashadeen, markii hore waxay go’aamiyeen in odayga daaqadaba laga saaro oo xilka laga qaado banaankana loo diro, laakiin kuwo kale ay soo jeediyeen maya ee Waxbarashadda aynu geyno haku sii nasto halkaas, qolodaasina ay u soo hareen jaceylkii Madaxweynaha!!.
Qisada saddexaad ee Samaale soo daliishadey ayaa ah tii Sheekadii been Abuurashada (Xadiithul Ifki) ee Munaafaqii weynaa Cabdullaahi Ubayi bin-Salool uu kula kacay Mu’miniinta hooyadood Caas’sha Binti Abiibakar oo ahayd xaaskii nebiga (NNKH), waxaana Ibnu Salool faafiyey in ay Sineysatey, taas oo Rabbi uu kaga barii yeeley Suuratu Nuur aayadaha ku jira.
Samaale ayaa soo qaadey talooyinkii nebigu dadka weydiiyey, waxaana uu si gaar ah u xusey markii nebigu (NNKH) talo weydiiyey Sayid Cali Bin Abii-dhaalib (RC), waxaan Sayid Cali ugu jawaabey “Haweenka Carbeed rabbi kuguma yareyn”, isaga oo u jeeda mid kale guurso iyana iska sii daa. Caaisha colaadda ay Cali bini Abii-dhaalib u qaadey halkaas ayey ka soo bilaamatey, sida laga fahmi karo Samaale, Siilaanyo waxaa lagu yiri rabbi kuguma yareyn beesha ninkaas ee qof kale kala bax, colaadna waa kow.
Isku-shaandheyntii mala eersaday?
Wararka Hargeysa yaal ayaa sheegaya in Siilaanyo mar kale dib ugu noqonaayo isku-shaandheynta maadaama laba wasiir is-casileen qaar kalena qarka u saaran yihiin in ay is-casilaan oo dhufeyska Samaale soo galaan, Isku-shaandheynta odayga (Siilaanyo) waxaa ka badbaadey oo goor danbe ka boodey Xirsi Xasan Xaaji Cali oo ah Wasiirka Madaxtooyada, (Ex- Prime minster) ayna dad badan aamineen in uu yahay geed sal weyn oo aan la loodin karin, awoodna ku leh Madaxtooyada, Xirsi waxaa loo wadey Wasaaradda Hawlaha Guud si loo kala fogeeyo isaga & Madaxtooyada oo uu taagnaa tan iyo sanadkii 2010.
Muuse Biixi wuxuu aaminsan yahay in odayga sidii uu ugu lisey aanu ugu hambeyn, dharaarihii la soomareyna arag sida loo galay ilaa xarig dacayda loo soo geliyey.
Cabdicasiis Samaale waa ninkaas isu arkey sida nebi Yusuf oo kale oo koox u tashatey in ay ceel dheer ku rideen, si loo dhayo boogaha iyo dakharada magaca Xirsi ku gaarey odayga (Siilaanyo) oo Xirsi Xasan Xaaji Cali laga fogeeyo madaxtooyada waa ka gaashaantey, Maxamed Cabdullaahi Cumar weli dibinta ayuu qaniini, oo dagaalki hore ee Muuse Bixi ayaa seeftu qaadey, yaa la dhihi karaa marka wuu ku faa’idey isku-shaandheynta? miyaase odaygu eersadey?.
Doorasho la galo saan-saankeed ma muuqdo, mucaarad sacabbooley ah oo hanjabaaddu ka karayso?, Suldaan Waber oo saameyn yeeshay, SSC warkeeda daa, Dowlad Federaal ah oo la aqoosan yahay oo Soomaaliya ka jirta iyo nalalkii Muqdisho oo siraadan? waxaa la is weydiinayaa odaygii Siilaanyo ahaa halkee reerka ku furi doonaa maalmaha soo socda ?.
Ismail Haji Said
Finland